Ila Qosol, ..... C/llaahi Maxamed Cumar.

0
Saturday September 25, 2021 - 09:22:55 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ila Qosol, ..... C/llaahi Maxamed Cumar.

    Nabad iyo caano akhristayaal,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabad iyo caano akhristayaal,
Intiinnii hore ula socotey iyo inta ku soo biirtayba, waa sheeko kale oo ka mid ah toddobaadlaheennii; Ila Qosol.


Sanadihii 1974/75 kii waa tii loo baxay Ololihii ballaadhnaa ee  Hor-u-marinta Reer MIyiga. Ololahaasi oo ujeeddooyin badan laga lahaa, ayaa ta ugu muhiimsani waxy ahayd; in dadka reer baadiyaha (miyiga) ah la soo baro akhriska iyo qoraalka farta Afsoomaaliga.


Haddaba, tuulo ka mid ahayd dhulkaasi Ololaha laga fuliyey, ayaa aad u aflaxdaa oo dadkeedii barteen; sida wax loo qoro. Markii ay barteen sida shaqallada iyo Shibbanayaasha la iskugu akhriyo, ayaa qof waliba isku dayey, innuu waraaq (letter) gacantiisa ku qoro oo waxa uu doonayo ku sheegto. 


Haddaba waxa jirey, gaadhi u kala bixi jirey tuuladaasi iyo magaalada ugu dhaweyd ee ay dadka tuulada deggani ka soo muraadsadaan. Ninkii dirawalka ka ahaa gaadhigaasi oo awal farriimaha iyo wixii magaalada laga soo iibinayaba afka laga faran jirey; ayaa haatan qof waliba waraaq yar far soomaaliya u dhiibey oo waliba bilaa gal ah! Nin waliba buuggii yaraa ee u farta ku baranayey, ayuu dacal ka jeexday!


Ninkii dirawalka ahaa ee waraaqaha qaadi jirey, ayaa dhawr jeer lagu yidhi, " Ina hebel ama hebel waxad ku tidhaahdaa, wixii aad warqadda ku soo qortay waa la garan waayaye ee soo sheeg!"


Ninkii wadaha (driver)ka ahaa, ayaa isugu yeedhay; dadkii waraaqaha u dhiibi jirey oo ku yidhi, " Waar yeedhe, waxa la idin yidhi; ninkii tuulo heblaayo waraaq ka soo dirayoow, soo raac!!"
Macnaha kaa qoray mooyiye, cid kale waxa uu qoray ma akhriyi karto - isla markaasina waxaa uu qoray; cid aan isaga ahayni ma fahmeyso!


Imisaa imikaba la arkaa waraaq qof soo qoray ama hay'ad ka soo baxday oo soo raac ah!!

Cabdullaahi Maxamed Cumar

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...