Maxkamadda ICJ oo shaacisay xilliga ay ku dhawaaqeyso natiijada dacwadda Badda

0
Friday September 24, 2021 - 15:22:45 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 880
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda ICJ oo shaacisay xilliga ay ku dhawaaqeyso natiijada dacwadda Badda

    Garsoorayaasha Maxkamadda Cadaalada Aduunka ee ICJ iyo wafdi ka kala socda Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garsoorayaasha Maxkamadda Cadaalada Aduunka ee ICJ iyo wafdi ka kala socda Soomaaliya




Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa War kasoo saartay kiiska dacwadii Badda ee u dhexeeysay dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya oo horey loo dhageystay, lana sugayo Go’aanka Maxkamadda kasoo bixi doona.

 

Qoraal kasoo baxay Maxkamadda ICJ ee ku taalla Magaalada Hague ee dalka Holland ayaa waxaa lagu shaaciyay in Go’aanka la wada sugayo ee dacwadda Badda ay ku dhawaaqeyso 12-ka bisha soo socota ee Octoober saacada markii ay tahay 03:00 PM.

 

Garsoorayaasha Maxkamadda Cadaalada Aduunka ee ICJ iyo wafdi ka kala socda Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka qeyb galaya fadhiga Maxkamadda ee lagu shaacinayo Go’aanka ka dambeysta ee kiiska badda oo muddo sannado ah soo jiitamayay.

 

Kiiska Dacwada muranka Badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddo dheer soo socday, waxaana markii ugu dambeeyay maxkamada ICJ dhageysiga dacwada kiiska badda gashay iyada oo dowlada Kenya ka maqan tahay fadhiga Maxkamadda.

 

Soomaaliya ayaana rajo weyn ka qabta in loo xukumo biyaha muranka galisay dowladda Kenya, lamana oga sida dowladda Kenya u aqbali doonto haddii Maxkamadda ICJ ku dhawaqado xukun aysan ku farxin.


Loading...
Loading...