Xukuumadda Oo Beesha Caalamka Uga Digtay Inay Rumaysato Inay Jiraan Siyaasiyiin Doorashada Soomaaliya Ku Matalaya Shacabka Somaliland

0
Friday September 24, 2021 - 12:12:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 804
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Oo Beesha Caalamka Uga Digtay Inay Rumaysato Inay Jiraan Siyaasiyiin Doorashada Soomaaliya Ku Matalaya Shacabka Somaliland

    "War-saxaafadeedkan ayaa ku soo beegmaya xilli Dawladda Soomaaliya diyaarinayso doorashada labada aqal ee Baarlamaanka "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"War-saxaafadeedkan ayaa ku soo beegmaya xilli Dawladda Soomaaliya diyaarinayso doorashada labada aqal ee Baarlamaanka "

Hargeysa (HWN) – Dawladda Somaliland, ayaa Dawladda Soomaaliya iyo siyaasiyiinteeda uga digtay sheegashada Dhulka Somaliland iyo in lagu soo daro doorashada dalkaa ka dhacaysa, iyadoo la doonayo in Bulshada Caalamka lagu marin-habaabiyo wax aan jirin.

 

War-saxaafadeed Arbacadii Shalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo guud ahaan Beesha Caalamka waxa lagu war-geliyey inaan Somaliland qayb ka ahayn Soomaaliya iyo doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka ee dhawaan ka dhacaya Soomaaliya.

 

War-saxaafadeedkaas oo dhamaystiran ayaa u qornaa sidan "Dawladda Jamhuuriyada Somaliland waxa ay ku war gelinaysaa Qarammada Midoobay, Midawga Afrika, Midawga yurub, iyo guud ahaan bulshada caalamka, in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dawlad madax-bannaan oo aan haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn nidaamka doorashooyinka maamulka fadhiidka ah ee soomaaliya.

 

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay 18kii may 1991, la soo noqotay gobonimadeedii luntay 1960kii, Soddon sano kadib, somaliland waa dal xor ah oo leh nidaam doorasho oo dimuquraadi ah, isla-markaana shacbigu doortaan cidda ku matalaysa goleyaasha fulinta (Xukuumadda), sharci dejinta (Goleyaasha baarlamaanka) iyo dawladdaha hoose, si xor iyo xalaal ah oo qof iyo cod ah.

 

Sidaa daradeed dawladda Jamhuuriyada Somaliland waxa ay uga digaysaa maamulka iyo siyaasiyiinta Soomaaliya sheegashada beenta iyo khiyaaliga ku dhisan ee lagu marin habaabinayo bulshada caalaamka.

 

Ugu dambayn Somaaliland oo ka mid ah dalalka hoggaamiya dimuqraadiyadda Afrika, waxa aanay marnaba aqblayn in lagu soo daro arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo aan khusayn Jamhuuriyadda Somaliland.”

 

Ugu dambayn, War-saxaafadeedkan ayaa ku soo beegmaya xilli Dawladda Soomaaliya diyaarinayso doorashada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo Dadka u tartamaya ay ku jiraan Dad dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse aaminsan Mabda’a Midnimada Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaasi oo sheegta inay halkaa ku mataan Shacabka Somaliland, inkasta oo Dawladda Somaliland mar walba sheegto Siyaasiyiinta Somaliland ee Muqdisho ku sugan yihiin xubno si shaqsi ah u shaqo tagay isla-markaana aan Cidna matalin.


Loading...
Loading...