Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

0
Friday September 24, 2021 - 09:37:30 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 883
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

    Muwaadiniin Soomaali ah oo goobta uu falku ka dhacay ka Agdhawaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muwaadiniin Soomaali ah oo goobta uu falku ka dhacay ka Agdhawaa



Koox hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxaa ay habeenkii xalay aheyd gudaha dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dhallinyarada ugu caansan Magaalada Cape Town ee dalkaas.

 

Muwaadinka oo lagu magacaabi jiray Axmed Jaqafeey ayaa waxaa lagu toogtay halka loo yaqaano Hermanus oo 121,7 KM u jirta Magaalada Cape Town, xili uu kasoo baxay xaafadiisa oo uu watay gaarigiisa, isagoona marayay wadada Hermanus.

 

Muwaadiniin Soomaali ah oo goobta uu falku ka dhacay ka Agdhawaa ayaa tilmaamay in Axmed Jaqafeey ay dileen rag madow ah oo watay gaari, iyagoona rasaas ku furay Marxuumka, wuxuuna weerarka ka dhacay wadada Xaafadda bartankeeda.

 

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika ayaa durbo tagay halka uu dilka ka dhacay, iyagoona sheegay inay wadaan baaritaano ay ku baadi goobayaan raggii ka dambeeyay falkaas oo durbadiiba goobta isaga baxsaday.

 

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu yahay dal dilal iyo boob loogu geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaas ku leh goobaha Ganacsi, mana jirto cid iska xirtay sidii wax looga qaban lahaa dilalka loo geysanayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas kunool.


Loading...
Loading...