Musuqmaasuqii Ugu Xumaa Oo Mar Kale Ka Qarxay Laascaanood Iyo Agaasime Khashiftay

0
Thursday September 23, 2021 - 13:55:36 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1495
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musuqmaasuqii Ugu Xumaa Oo Mar Kale Ka Qarxay Laascaanood Iyo Agaasime Khashiftay

    "sanadkan waxa soo dhacay laba Quarter, hal kuwaatar ayaa helay,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"sanadkan waxa soo dhacay laba Quarter, hal kuwaatar ayaa helay,"

Laascaanood, (HWN)-  Agaasimaha Cisbitaalka Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool Marwo Faahiima Jaamac ayaa daaha ka fayday dhacdo musuq maasuq oo in badan ay sheegtay inay qarinaysay taasi oo si gaar ah loo lunsado lacagta kabka ah ee Cisbitaalka Weyn ee Dawladda magaalada Laascaanood.

 

Marwadan ayaa muuqaal cod ah oo laga duubay uga warbixisay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Xergeeye oo booqday, taasi oo ay u sheegtay in Cisbitaalka Laascaanood aanu soo gaadhin lacagta kabka ah islamarkaana cid gaar ahi jeedka ku shubato iyadoo farta ku fiiqday isuduwaha Wasaaradda ee Gobolkaasi oo ay sheegtay inuu ku lug leeyahay, waxay Shaacisay in Cisbitaalkaasi qarka u saaran yahay inuu xidhmo islamarkaana  aanu sii  jiri Karin haddii wax laga qaban waayo musuq maasuqaasi.

 

Codka Marwada ayaa waxa ka mid ahaa "Waxay Soomaalidu ku maah maahdaa, haddii ay Fooli timaado, Gudo Qarsiin majirto, waxaan in badan qarinayay ayaan maanta qarin waayay, marka hore waxaan su’aal waydiisanayaa Isku duwayaasha iyo agaasimayaasha Goboladda, bal sida kabka Cisbitaalka doorka ay ku kala leeyihiin, kaasi waa haddii la iiga jawaabay”.

 

Waxa kale oo ay tidhi "Kalabaad, anigu waxaan ahay Agaasimaha Cisbitaalka Laascaanood, kabka Cisbitaalka Dhib badan ayaan ku qabaa, Cisbitaalkuna la’aantii ma shaqaynayo, sidaas awgeed waxa jira meheraddo aan kasoo qaado kolba waxa loo baahan yahay, marka Quarter-ku dhamaadana waan bixinaa, waxaan waayay kabkii aan ku bixin lahaa, aniga oo agaasime ah saxeex kuma lihi, Admin finance-yadayuna saxeex kuma laha, wakhtiga uu yimaadana ma ogaano, sidaa awgeed waxaan aadaa Maaliyadda iyo bankiga halkaasi ayaan waraysi u tagaa, waana dhibta i haysata iyo caqabada i haysata”.

 

Ugu dambayn waxa ay soo jeedisay "Sidaas awgeed, sanadkan waxa soo dhacay laba Quarter, hal kuwaatar ayaa helay, Quatarkii labaad 25-kii June ayaa lala baxay, markaan isu duwaha u tagayna, ee aan ku idhi , isuduwe lacagtii ayaan doonayaana waxa uu igu yidhi, xafiiska iiga bax, agaasime hawshaas haddaanad wax ka qaban, Cisbitaalkani ma shaqayn karayo, anakana dhib ayaa na haysata”.

 

Dhawaan ayuunbay hayd markii la shaaciyay in Mashiinkii Oxygine-ta Ceerigaabo la xaday islamarkaana laga iibiyay Maamulka Puntland, taasi oo uu Markii dambe qiray jiritaanka Warkaasi Wasiirkii dhawaan laga badelay Wasaaradda Mr Cumar.

 

Dhacdooyinkan ayaa muujinaya heerka uu musuq maasuqo ka marayo Hay’addaha dawladda iyo sida loogu talax tagay hantida dawladda iyadoo aanay wax dabagal ahi ka dhex jirin Xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hore ugu ololayn jiray inuu musuqa dabar jarayo.


Loading...
Loading...