'Gadaasheyda Yaan Wax Laga Raadin!' 'FAALO'

0
Sunday September 05, 2021 - 14:36:04 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    'Gadaasheyda Yaan Wax Laga Raadin!' 'FAALO'

    Shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go'an in Hay'adda NISA ay kula xisaabtanaan dabiyadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go'an in Hay'adda NISA ay kula xisaabtanaan dabiyadda

Kulamadii uu ka qeybglay ra'iisal wasaaraha xilgaarsiinta ee dhinacyadda kale duwan ee dilka Ikraan Tahliil ayaa waxii looga hadlay waxay noqdeen fadeexad aan la qarin karin. Waxayna kaliftay in ra'iisal wasaaraha xilgaarsiinta, Xusseen Mohamed Rooble uu shacabka la wadaago sida uu uga xunyahay sida loo maareeysy arrintaa Ikraan Tahliil.


Haddii si kale loo dhigo, waxaa meesha ka muuqday dabi anshaxumo ah oo aan la qarin karin. Waxaa sidoo kale jirtay ku takrifal awoodeed iyo dad aysan aheyn aslanba in ay mas'uul dowladadeed noqdaa aan u qalmin xil aysan awood u laheyn gudashadiisa, oo danbiyo badan galay, ayaa waxay isku dayayaan in ay sidii danbiyadii hore in ay ku fakadaan danbigaan la xiriira maqanaasha Ikraan.

 
Ra'iisal Wasaare Rooble waa qof damiir leh, saaxiibtinmadana xad bay leedahay. Laakiin markii dabi dhaco xajmigaan leh oo dil arxandaro ah, saaxiibtinimo cidna wax uguma qaban karo. Qof walba isagaa ka mas'uul danbigiisa oo cid ka fakin karta aakhro iyo adduunba ma jirto. Intaan qof walbaa og, laakiin waxaa u dheer Rooble in uu yahay mas'uulka igu sareeyo ee dalka xalkana, isagaa looga fadhiyaa oo laga rabaa.

 
Madaxweybaha xilkiisu dhamaaday iyo agaasimaha NISA wax walba oo kala dhexeeya ra'iisal wasaaraha, arrintan waxay gaartay meel aad khatar u ah oo aan la iska yeeleen in arrintan hoos loo dhameeyo, maadaana shacabka Soomaaliyeed oo dhan ay sugayaan cadaaladda la balan qaaday. Marka dadka la eedeeyay sida kaliya oo ay danbigan isaga bari yeeli karaan waa cadaaladda horteeda.

 
Maanta taladda dalka waxay joogtaa ra'iisal wasaaraha bas. waqti badan ma harin saacado kooban ka dib waxaa la rabaa in ra'iisal wasaaruhu uu shacabka Soomaaliyeed la horyimaadid wax loo qaateyn ah oo shacabka Soomaaliyeed ku qanci karo. Caqli iyo aqoon lagama fili karo dadka xilka uu u dhiibay madaxweynaha xilkiisu dhamaaday oo uu ka mid yahay agaasimihiisa NISA ee denbigaan lagu eedeynaayo. Horaa loo arkay farsamsdooda iyo taloxumadooda.

 
Xusuusnow, Waxaa nasiib aheyd in lugu bedbaaday dadaalka ra'iisal wasaaraha ee looga fakaday danbiyadii dalka laga galay ee xukun boobka ahaa. Ciidankii Bedbaado Qaran waxay aamineen ra'iisal wasaaraha. Haddase cidna ra'iisal wasaaruhu kama bedbaadin karo danbiga laga galay Ikraan Tahliil. Soomaalidu waxay tiraahdaa, ‘haddii uu dhib dhaco dhabaqo meel beeshay.’ Sababtoo ah oo dabi weyn oo diig aan waxba galabsan lagu daadiyay. Ciddii gashaa laga rabaa jawaabta.

 
Waxaa xusid mudan in hay'adda nabadsugidda dhabaheedii ka lee xatay oo aysan ku howlaneyn shaqo dan u ah shacabka Soomaaliyeed. Looma baahna in faahfaahin badan laga bixiyo xadgudbiyada xuquuqda aasaasiga ah ee loo tirinayo hay'adda. Hay'ad sidaas oo kale ah kama shaqeyn karto dal dimuquraadi ah.

 Hay'addu waxay dhimatay markii xirfalaashii lagu bedelay wiilal yay yar oo aan khibrad laheyn. (Waayo- aragnimadda iyo khibradda waxaa waaye waxyaabaha ugu mudan ee mansab la isugu dhiibo.) Hadda iyo dan wiilashii howsha loo dhiibay wixii ay bi'- iyeen waxay khatar ku tahay ambiga qaranka. Waxaa laga yaabaa in ay dhaliso dagaal qabiil.

 
Seddex wiil oo dhalinyaro ah baa hadda naftooda khatar ku jirtaa. Si loo soo afjaro arintaa, waxay u baahan tahay in runta la abaaro. Beeb been, ismaahin iyo aamus xaaladdan khatarta ah loogama gudbi karo. Ra'iisal wasaaruhu waxuu dhowr goor yiri, " gadaasheyda yaan wax laga raadin, waxwalba hortiisa yaalaa.” Arrinta Ikraan iyo wiilasha baledweyne ku xirin iyo doorashootinka intaba hortaaday yaalaan. Cidda kaliya ee howshaan wax ka qaban karta ee dalkuaka bedbaadin karta khatarta dalka ka jirta, waa ra'iisal wasaaraha, haddii uu la gafana, xaaladdu waa hubaal ah in ay ka sii dareyso. Seddex wiil iyo gabar bey joogtaa hadda, laakiin dad badan oo aan waxba galabsan bay saameyn fidnadda arrintaa ka dhalatay.

 
Hay'adda nabadsugida ee danbiyo badan loo tirinayo ma sii shaqeyn karto. Dalka xili doorasho ayuu ku jiraa. Waxaa haboon hadda oo lagu jiro xili xasaasi ah in hay'adda si ku meel gaar ah shaqadeeda loo joojiyo oo lagu bilaabo baaritaan weyn madax iyo mijaba. Maxaabiista gacanteeda ku jira iyo madax- deedana baaritaan buuxo lagu sameeyo ka hor inta aan dib loo howlgalin, haddii la howlgaliaba. Haddii la ogolaado in ay howlaheeda sii wado, waxay caqab weyn ku noqobeysaa habsami u qabashada doora- shooyinka marar badan dib u dhacay. Cid ay taasi ka qarsoon tahay ma jirto. Waxayna noqoneysaa la xisaabtankeeda, fursad arrimaha doorashada iyo siyaasadda looga dhex bixiyo hay'adda sirdoonka ee khariban.
 
Maxaa la gudboon shaqaalaha hay'adda ka shaqeeya?

Ciddii sax moodeysay dhaqanka dilka, jirdilka,dilka khaarijiska ah, beensheega, laaluushka iyo kutumashadda qaanuunka. Warkaas waa dhamaaday. Qofkii shaqaale fiican ah oo ceeb ka saliim ah cid wax u heysata ma jirto ama cud wax u heysan karta. Dadka kale ee la sirtay ee danbiyadda la galiyay, tii Alle ayadoo ay ku sugeyso; danbiyadaada waxaa og saaxiibadaa iyo dhibanayaashii.

Amar baa la i siiyay kaama saareyso, cid kaa yeeleyna ma jirto. Dastuur iyo qawaaniinta dalka iyo diinta islaamku ma ogla wax xad- gudub ku ah ah xuquiqsmda muwaadinka.

Toobadda xagga Allena waa furan tahay iyo in aad sheegto wixii dhib ah oo aad geysatay, si aad ku kasbatid cafis iyo in laguu garaabo. Ma diiday, kama duwaan doontid dadkii hay'adda ka shaqeenayay ee dhibka loo geystay. Waxaa laga yaabaa in ay kugu dhacaan wixii Ikraan Tahliil iyo dad kale ku dhacay si uu danbilahu uu u saantirto.

 
War iyo dhamaantii, waxaa la soo gaaray xili qofkii run sheega ay furaneyso runtiisa. Kibir, dulmi, jir dil,dil qaanuunka qilaafsan, xarig been abuur ah iyo laaluush warkiisu waa dhamaaday, qofwaliba wuxuu geystaa hor yaal aakhira iyo aduunba... Waa adiga iyo damiirkaaga.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go'an in Hay'adda NISA ay kula xisaabtanaan dabiyadda laga tirsanayo afartii sano iyo barkii la soo dhaafay. Cadaaladu waxay dan u tahay mujtamaca Soomaaliyeed. Oohinta Ikraan hooyadeed ciyaar ciyaar ma aheyn. Dadkii gabadheeda dilay waa la kashifi! Waxaan sugnaba waa saacado kooban iyo go’aanka Ra'iisal wasaaraha xilgaarsiinta. Dhamaad

Fiiro Gaar ah

(Bartan ma aha meel aflagaado ama handadaad, haddii si mus'uuliyadi ku jirto aadan wax u qori karin, waxaa la qaatay in aadan wax qorin. Bartan muxaafad iyo mucaarad ma leh, waa bar ka dhaxeysa Somaali oo dhan oo lagu lafaguro wax dhab ah, iyada oon cidna wax loo dhimin.

Haddii aad dhibsatay wax halkan ku qoran, looguma talo galin in qof lagu dhibo. Laakiin waxaad ogaataa in arrimaha laga hadlayo ay yihiin mid saameyn ku leh masiirka shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Ra'yiga saliimka waa xor, wax baana laga kororsan. Ogow, dowladdu waxay leedahay suxufiyiin, qareeno iyo mus'uuliyiin kale oo loo igmaday in ay dadka u sheegaan mowqifka siyaadadeed ee dowladda ama difaacaan.

Waxay sidoo kale leedahay wargeys, raadiye, television, bogag internetka iyo baro bulsho.)

Qore: Mohamed Mohamud Cadde.
Waa Aqoonyahan iyo lafegure arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya.

 
(Qoraalku waa xirfad muhiimadeeda leh ee u kaasho si waxtar u leh bulshada).
Loading...
Loading...