Dawlada Itoobiya Oo Ka Hadashay Kulan Hargeysa Ku Dhexmaray Wasiirul Dawlaheeda Arimaha Dibada Iyo Muuse Biixi

0
Saturday September 04, 2021 - 09:52:38 in News by
  • Visits: 1513
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Itoobiya Oo Ka Hadashay Kulan Hargeysa Ku Dhexmaray Wasiirul Dawlaheeda Arimaha Dibada Iyo Muuse Biixi

    Dawlada Itoobiya Oo Ka Hadashay Kulan Hargeysa Ku Dhexmaray Wasiirul Dawlaheeda Arimaha Dibada Iyo Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Itoobiya Oo Ka Hadashay Kulan Hargeysa Ku Dhexmaray Wasiirul Dawlaheeda Arimaha Dibada Iyo Muuse Biixi
Addis Ababa(HWN):-Wasaarada Arimaha Dibada Itoobiya oo ka hadashay Kulan gaar ah oo dhexmaray  hadal  Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirul Dawlaha Arrimaha dibada Dawlada Itoobiya Redwan Hussein.


Wasaarada Arimaha Dibada dalka Itoobiya ayaa ka hadashay wada  dhex maray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirul Dawlaha Wasaarada Arrimaha Dibadda Itoobiya Redwan Hussein oo socdaal ku yimid dalka.

War qoraala oo lagu baahiyay barta Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa waxa lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya Redwan Hussein ay ka wadahadleen arrimaha amniga iyo socdaalka ee deegaannada xuduudda ah iyo siyaabaha loo xoojin karo is-weydaarsiga dhaqanka iyo sare u qaadidda xidhiidhka isku socodka dad-weynaha ee labada Dawladood.

Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya Redwan Hussein ayaa sheegay in ay suurtogal tahay in Somaliland noqoto meel ay u soo maraan badeecadaha Dhoofinta Itoobiya.wuxuuna hoosta ka xariiqay in Itoobiya ay u baahan tahay inay kor u qaaddo xidhiidhka Dhaqaale ee ka dhaxeeya Somaliland ilaa heerka ugu sarreeya iyada oo balaadhineysa ka qeybgalka maalgashiga, dalxiiska iyadoo adeegsaneysa marinka dekedda Berbera waa sida hadalka ay u dhigeene.

Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalkan in Wasiirul -dawlaha Wasaarada Arimaha Dibada Itoobiya uu booqday booqday dekedda Magaalada Berbera.


May be an image of 2 people, people sitting and people standing

Loading...
Loading...