Puntland Khilaaf ka taagan doorashooyinka degmooyinka.

0
Saturday September 04, 2021 - 09:22:57 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 674
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland Khilaaf ka taagan doorashooyinka degmooyinka.

    Ururada waxay sheegeen in Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland (TPEC) iyo qaar ka mid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururada waxay sheegeen in Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland (TPEC) iyo qaar ka mid




Qaar ka mid ah ururada siyaasadda Puntlad ayaa ka hadlay caqabado sharci iyo farsamo oo ay sheegeen in ay ka jiraan hannaanka doorashooyinka Puntland.

Shan urur siyaasadeed oo kala ah Mustaqbal, Runta iyo Caddaaladda, Ifiye, Dhalinyarada iyo Shaqaalaha ayaa qoraal wada jir ah war ay u soo saareen ku soo bandhigay qodobo ay sheegeen in ay caqabad ku yihiin doorashooyinka tijaabada ha ee degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

 

Ururada waxay sheegeen in Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland (TPEC) iyo qaar ka mid ah ururada siyaasadda ay ka dhex abuurantay kalsooni darro, markii dhawaan shir dhacay oo ku dhammaaday natiijo la’aan ay TPEC ku tilmaantay mid la isku isfahmay.

Ururadu waxay walaac ka muujiyeen Maxkamada Sare Puntland ee waqtigeedu dhamaaday iyo Maxkamad Dastuur ah oo aan jirin.

Ururadu waxay xukuumadda Puntland ku eedeeyeen in aysan bixin dhaqaalihii miisaaniyadda dowladda ku jiray ee loogu talagalay doorashooyinka.


Loading...
Loading...