Musharaxii Tartanka Adag Lagalay Ex. Afhayeenkii Maxamuud Warsame Oo Muuse Biixi Xil Umagacaabay

0
Friday September 03, 2021 - 18:48:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 5057
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharaxii Tartanka Adag Lagalay Ex. Afhayeenkii Maxamuud Warsame Oo Muuse Biixi Xil Umagacaabay

    "Si kastaba ha ahaatee siyaasaddu waa Dan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Si kastaba ha ahaatee siyaasaddu waa Dan"

Hargaysa (HWN) Cabdiraxmaan Cali oo ka sharaxnaa Xisbiga Waddani oo ah musharixii tartanka adag la galay afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Maxamuud Warsame ayaa digreetadii shalay loogu magacaabay wasiir ku xigeenka warfaafinta.


Waxaana dhacdadan ka hadlay Xildhibaan Guruuje oo katirsan golaha Wakiilada Somalililad, waxaanu qoraalka uu xildhibaanku kaga hadlay arinkan uu udhignaa sidan: -



Maxamuud warsame wuxuu ahaa afhayeenkii madaxtooyadda Somaliland ,wasiir horre iyo siyaasi firfurcoon oo ka tirsan xisbiga kulmiye .


Maxamuud warsame doorashadii dhawayd ayuu isu sharaxey baarlamaanka isagoo ka sharaxnaa xisbigiisa kulmiye .


Maxamuud waxay is wajaheen musharax kale oo ka tartamayay xisbiga waddani kaasoo ay xigaal ahaayeen .


Musharaxaas kale oo la yidhaahdo cabdiraxmaan Cali iyo maxamuud loolan iyo tartan xoogle ka dib way isla dhaceen waaney Isla dageen .


Ugu danbayn isku shaandhayntii shalay cabdiraxmaan Calioo ahaa musharixii waddani waxaa loo magacaabey wasiir ku xigeenka warfaafinta Halka maxamuud aan waxba loo magacaabin .


Si kastaba ha ahaatee siyaasaddu waa Dan dabeecadeeduna waxa weeye saaxiib joogto ah inaaney lahayn laakiin Dan joogto ah ay leedahay .

Loading...
Loading...