Sharciyan Dowladdu Dhul Hanti Qaran Ah Ma Iibin Kartaa Mise Kireyn Kartaa?

0
Friday September 03, 2021 - 11:34:38 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sharciyan Dowladdu Dhul Hanti Qaran Ah Ma Iibin Kartaa Mise Kireyn Kartaa?

    Dhulka sharciyan yaa leh ma dowladda mise shacabka?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhulka sharciyan yaa leh ma dowladda mise shacabka?

Iyadoo maalmahaan si weyn warbahainta iyo baraha bulshada loogu hadla hayay heshiiskii shirkad gaar loo leeyahay looga kireeyay dhul kamid ah tiyaatarka qaranka si looga dhiso maqaayad iyo jardiino,ayaa dad badan waxaa ay is waydiinayaan arrimo ay ka mid yihiin qodobbadan soo socda .



  • Dhulka sharciyan yaa leh ma dowladda mise shacabka?
  • Dowladdu ma iibin kartaa dhul hanti-Qaran mise kireyn kartaa?
  • Qaabkee loo marayaa haddii la kiraynayo ama la iibinayo?


Dadka arrimahaan sida dhow ula socda isla markaana sharciyan aqoonta u leh ayaa sheegaya in markii laga hadlo lahaanshiyaha dhulka jamhuuriyadda Soomaaliya lagana eego dhanka sharciga ay dowladdu leedahay dhulka halka khayraadka dhulka iyo kan baddana ay yihiin hanti Qaran oo ka dhaxeeysa dadweynaha (hanti dadweyne).


Qodobka 42-aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya farqqadiisa kowbaad ayaana qoraya in khayraadka badda iyo kan biriga labaduba yihiin hanti dadweyne sida uu BBC-da u sheega Eng Saadiq Cabdullaahi Cabdi,Wasiirkii hore ee howlaha guud.


"Sidaas awgeed maamulkiisa,kireyntiisa iyo wareejintiisa waxaa loo marayaa sifo sharciga iyo dastuurka waafaqsan" ayuu yiri Eng Saadiq.


Sharciyan dhulka dowladdu ma bixin kartaa mise iibin kartaa?

Mar walba sida ay sharci yaqaannadu qabaan arrintaan waxay u baahantahay in loo maro waddo sharci ah isla markaana loo waafajiyo xeerarka dalka uga yaalla arrintan.


Wasiirkii hore ee howlaha guud Eng Saadiq ayaa sheegaya in dowladdu ay iibin karto wixii dhul dowladeed ah loona arko dan qaran oo waliba ay ka iibin karto shirkad ama shaqsi, hase yeeshee wuxuu leeyahay intaas oo dhan waa in dowladdu u martaa wadada sharciga ah .


Eng Saadiq Cabdullaahi Cabdi ayaa sidoo kale sheegaya in howshaan dhulka Qaran iibintiisa ah ay qabaan karaan guddi qaran oo dowladda dhexe wakiil ka ah kuwaas oo ka kooban,Wasaaradda howlaha guud oo iyada guddoomiye looga dhigayo guddiga,wsiirka maaliyadda oo xubin ka ah xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo xubin ka ah iyo xanti dhowrka guud oo xoghayn ka ah .


Marka ay guddigaasi tusaale ahaan qabtaan howl ah iibinta dhul qaran dakhliga ka so baxa maareyntiiisa ayaa iyana muhiim ah kaas oo ay tahay in aanu ku dhicin gacan gaar sida uu sheegayo wasiirkii hore ee howlaha guud Eng Saadiq Cabdullaahi Cabdi. " Marka dakhliga ka soo dhulkaas iibkiisa waa inuu ku xaroodaa qasanadda dowladda oo aanu ku dhicin gacan wasaarad gaar ah iyo shaqsi gaar ah".


Wuxuu intaas raaciyay in haddii ay dowladd marto sharcigaas ay iibin karto dhulka iyadoo soo jeedinta arrintan uu leeyahay guddiga qaran ee arrimahaan loo wakiishay iyadoo ugu dambeyna uu madaxweynuhu oggalaanayo.


Ma jiraan xeerar guud oo Soomaaliya arrimaha dhulka uga yaalla?

Eng Saadiq Cabdullaahi Cabdi oo ka tirsanaa xukuumadii raysal wasarae Xasan Cali khayre, ayaa sheegay in xiligii uu wasiirka ahaa ay jireen laba sharci oo la xiriira arrimahaan dhulka iyo hantida dadweynaha kuwaas oo la marsiiyay baarlamaanka hase yeeshee aan wali ku so bixin faafinta dowladda. Sidoo kale wuxuu sheegay in xiligii uu ka tirsanaa xukuumadda u jiray guddi isagu guddoomiye u ahaa oo u xilsaarnaa dabagalka iyo soo celinta hantida ma guuratada ah ee gudaha iyo dibadda ayna diyaariyeen sharciyo arrimahaasi la xiriiray kuwaas oo qaarkood Golaha wasirada loo gudbiyay kuwa kalana ay baarlamanaku ansixiyeen hase yeeshee wali sugaya ansixinta madaxweynaha iyo in lagu soo saaro faaafinta rasmiga ah ee dowladda. Mar wasiirkii hore ee howlaha guud uu si kooban u sheegayay sharciyadaan wuxuu yiri:


"Waxaan u malaynayaa hindiso sharciyeedkaas midka dhulka iyo kan naqshadeynta kuligood waxay soo mareen Golaha wasiirada wali faafinta dowladda kuma soo bixin laakin baarlamaanka wuu ka soo gudbay marka way jiraan sharciyadaas".


Ma in si furan loogu tartamaa haddii ayba dowladdu bixinayso dhul hanti qaran ah ?

Sida uu sheegayo Eng Saadaq "Marka hore soo jeedinta arrintaan waxaa iska leh guddiga qaran ee wakiilka uga ah dowladda dhexe,waxaa sidoo kale qayb arrintaan ku leh golaha deegaanka dhulku ku yaalla markaa kadibana waa in la naadiyaa si loogu tartamo oo cidii ku guulaysataa ay sidaa ku heshaa". Wuxuu sheegay in qaabka hadda loo maray arrinta Tiyaatarka aysan ahayn hab waafaqsan sharciga wuxuuna intaa raaciyay in xitaa ay ka hor imaanayso xerkii madaxweynuhu soo saaray kal hore ee ku aaddanaa in aan la iibin karin hantida qaran.


Sioo kale Hanti dhowrka guud ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay wuxuu ku sheegay in habka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ay u martay arrinta dhulka Tiyaatarka ay tahay mid aan waafaqsaneyn nidaamka dowliga ah,shuruucda dalka iyo wareegtooyinka hay'addaha dowladda.


Hanti dhowraha guud ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali ayaa qoraalkiisa ku faray wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar dubbe in uu gabi ahaanba joojiyo bixinta dhulka Tiyaatarka Qaranka,uuna wasiirku muddo 72 saacadood gudahood ah ku soo saaro qoraal rasmi ah oo uu ku joojinayo bixinta dhulkaas iyo in wasiirku uu la soo wadaago hanti dhowrka guud haddii ay jiraan heshiisyo kale oo ku saabsan dhul oo wasaaraddu gashay.


BBC

Loading...
Loading...