MAROODIGA .... Dr.Ibraahin dhuxul.

0
Friday August 20, 2021 - 11:10:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAROODIGA .... Dr.Ibraahin dhuxul.

    MAROODIGA .... Dr.Ibraahin dhuxul.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAROODIGA .... Dr.Ibraahin dhuxul.

Maroodigu waxa uu kamid yahay boqortooyada xayawaanka (Animalia), bahda lafdhabarleyda ah (Chordata) gaar ahaan qoyska ballaadhan ee naasleyda ( Mammalia) kuwooda ugu waa weyn. sidoo kale wuxuu ku jiraa jilibka hoose ee bahda maroodiga kuwaas oo leh gacan dheer (Elephantidae). Bahda cilmiga saynisku waxay ugu yeedhaan (Loxodonta), Asal ahaan wuxuu kasoo jeeddaa dalalka afrika ee saxarraha ka hooseeya iyo koonfurta qaaradda Aasiya, badanaa waxaa laga helaa dhulka kaymaha ah ee dhirta badan leh iyo qaybo kamid ah saxaraha. Guud ahaan maroodiga adduunka kunool waxaa loo qaybiyaa laba nooc, maroodi asal ahaan kasoo jeeda qaaradda Afrika kaas oo ka weyn kan kale iyo mid asal ahaan kasoo jeeda qaaradda Aasiya.



Luuqadda Ingiriisida waxaa loogu yeedhaa (Elephant) Carabidana (ﻓِﻴﻞ). Afka Soomaaliga guud ahaan waxaa looyiqaanaa Maroodi, ka lab waxaa loogu yeedhaa Arbe, Boorar ama Qoraaje, ta dheddigna Qalanjo ama Goso. Markay yaryar yihiin waxaa looyiqaannaa Uunfannays ama Boojay, sidoo kale marka maroodiga lab gaar looga sooco ama kooxdiisa laga saarana Rujub, Markay koox yihiina waxaa looyiqaannaa bool maroodi ah, sida ku qoran qaamuuska Afka Soomaaliga ee uu qoray Cabdalle Cumar Mansuur. Cimriga maroodigu waxa uu gaadhaa 48 ilaa 70 sanno, Culayskiisuna 4000 ilaa 6000 kiiloo garaam. Waxa uu leeyahay 56 hiddo-side iyo 26 ilkood. Maroodigu sidkiisu waxaa uu gaadhaa 18 ilaa 22 bilood, maroodiga dhasha ahi waxa uu ku qaangaadhaa 10 ilaa 12 sanno, sidoo kale maroodiga dheddig waxa uu leeyahay laba naas oo kaga yaala labada lugood ee hore hoostooda.


Waxa uu quutaa waxyaabaha kasoo jeeda dhirta ( Herbivore) gaar ahaan maalintii (Duiral). Maroodigu waa xayawaannada leh dhiiga diirran ( Warm blooded) iyo kuwa leh halka calool (Monogastric). Labada fool ee maroodiga soomaali ahaan waxaa looyiqanaa Faan ama fool maroodi(ivory). Maalintii waxa uu seexdaa afar ilaa lix saacadood, isagoo saacadiina jari kara 40 kiiloomitir. Maroodigu waa uu dabaalan karaa isagoo ka neefsanaaya gacankiisa dheer.


waxaana uu leeyahay xasuus aad u dheer iyo dareen ur oo aad u saraysa. Waxa jira dhibaatooyin ay kala kulmaan maroodiga dadyawga dhaqda kuwaas aad uga feejigan, taas oo ah markuu cadhoodo inuu cagta mariyo dad iyo duunyo wixii uu arkaba. Maroodigu waa xayawaanka ugu weyn xayawaanada dhulka ku dul nool, waxaanuu ku kamid yahay xayawaannada aan wax ugaadhsan iyana ay yar tahay in la ugaadhsadaa.


Maroodigu waxa uu ka neefsada gacankiisa dheer, kaas oo uu dhirtana kusoo qabsado marka uu daaqaayo, maroodiga waxaa badanaa loo ugaadhsada si loo gala baxo foolashiisa oo qiimo aad u sareeya ka jooga suuqyada ganacsiga ee adduunka, kuwaas oo ka ganacsigooda laga dhigay sharci daro. Waxa uu kamid yahay xayawaannada uu alle qur'aanka ku xusay, kaas oo siday isku raacsan yihiin badiba culimada islaamku hilibkiisu yahay xaaraan. Ugu danbayntii maroodiga adduunka kunool wakhti xaadirkan waxaa lagu qiyaasaa inka yar 500,000kun oo maroodi, dalka ugu badan ee laga helaana waa dalka Butuswaana oo kuyaala koonfurta qaaradda Afrika.



Mayeedhaan magazine.

[email protected].

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...