Edna Aadan Dhakhtar Oo Mudo Dheer ka dib kala Garan la' Waxa U Dhexeeya Dal Madax Banaan Iyo Mid Aan Madax Banaanayn.

0
Thursday August 19, 2021 - 09:52:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1409
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Edna Aadan Dhakhtar Oo Mudo Dheer ka dib kala Garan la' Waxa U Dhexeeya Dal Madax Banaan Iyo Mid Aan Madax Banaanayn.

    Qore: Cabdi Muxumed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Cabdi Muxumed

EdnaAadan Dhakhtar waxa ay soo noqotay (first lady) oorida Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xaaji Ibraahim Ciggaal ka hor intii aan afgambiga militari aanu xukunka kagala wareegin Siyaad Barre, ka dib dilkii Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke. Taas ka horna waxa ay soo noqotay kalkaaliso caafimaad oo tababar kalkaaliso (Training Nursin Courses) dalka UK oo ay ahayd hablihii ugu horeeyay ee halkaa u taga waxbarasho kalkaaliso Caafimaad, ka dibna waxa ay mudo dheer u shaqaysay (WHO) ama Hay’ada Caafimaadka Adduunka oo ay jagooyin sare ka soo qabatay, ka dib waxa ay wasiiradda shaqadda iyo haweenka iyo Arrimaha dibbadda ka soo qabatay xukuumaddii Riyaale.



Intaas oo dhan waxa ay ahayd inay wax badan oo khibrad ah ka korodhsato oo ay ahaato mid wax badan ka fahmaysa sida ay u shaqayso siyaasadda caalamku guud ahaan iyo maamulka oo ay iyana ahayd inay ahaato mid wax badan ka bowsatay. Laakiin taasi waxa ay dad badan oo aan hoos u ogayn u caddaatay, ka dib markii ay dhowr usbuuc ka hor u dirtay laba ka mida dhakhaatiir ka hawl gala Cusbitaalkeedda Edna Hospital kaasi oo ay gaar u leedahay, kuwaasi oo tababar caafimaad ku soo qaadanayay waddan ka mid ah Afrika, ha noqdo Kenya ama meel kale, inkastoo aanay sheegin dalka uu ahaa mar ay hadlaysay kuwaasi oo inta laga qaaday passports Somaliland oo laga jeexjeexay mudo saddex cisho ahna ay xidhnaayeen ka dibna lagu soo mastaafuriyay Hargaysa iyo Somaliland, iyadoo waliba laga yaabo in loo maray soo dayntoodda kuwa muqdisho ku hagaasay sida Cabdi Xaashi, Mahdi Maxamed Guuleed iyo kuwa kale ee daaquudyadda ah ee inoo sheegga inay wakiil ka yihiin Somaliland oo u jirta 1528 kmcaasimadda Somaliland ee Hargaysa, kuwaasi oo aan ugu yeedho inay yihiin (spritual representative) waa qaar hab ruuxi ah u matala Somaliland iyaga oo aan joogin kana mid ahayn dadka ku nool Somaliland wakhti xaadirkan waase iska siyaasadda soomaalidda ee macmalka iyo biyo batalaqsigga ah.


Haddaba haddii Ednaoo soo noqotay wasiir arrimo dibaddeed oo loo igmaday inay kow ka noqoto bal inay meel ku soo hubsato aqoonsigii ay dadka reer Somaliland uu lumiyay ee uu ka helay UK, ka hor kii ay heleen soomaalidda Taliyaaniggu xukumi jiray oo maanta oo ay ka soo wareegtay 60 sanno, maalintaa ay hantiyeen xorriyadoodda meel ay jaan iyo cidhib dhigtayna aan la ogayn ayaa inoo sheegaysa waxaan diray laba dhakhtar oo soo qaadanayay tababar waxaana lagu xidhay Muqdisho oo tolow waayo? Muqdisho iyo xukuumadda fadhida miyaanay ahayn kuwii aynu kala furanay maryo dhiig leh December 1961kii kacdoonkii saraakiishii Somaliland scott iyo 1988 kii? Markii loo waayay si loo soo celiyo gobanimaddii la lumiyay naf iyo maalba oo ay ciid noqdeen magaalooyin la iska soo dhaxlayay qarniyo tagay oo aan loo barooran wax kasta oo ay qaadanaysay soo celintaa gobanimaddii dhayalka ku tagtay. Waxaanse is lahaa waa mid intaa iyo in badan fahmi karaysay mase filayn intay EdnaAadan Dhakhtar af labaddii yeedho inay 2021 tidhaahdo laba dhakhtar ayaa igaga xidhan Muqdisho, iyo calaacalkii lagu yaqaanay dadka reer Somaliland, marka ay noqoto siyaasadda ay iskaga soo horjeedka Somaliland Iyo Somaliya oo aad arkayso in had iyo jeer kuwa Somaliland ay catow iyo calaacal uun la soo fadhiyaan sida "waa walaaladayo oo waanu jecelahay” dawladda taagta daran” iyadoo loo baahan yahay faham siyaasadeed iyo wax iska caabin dhab ah oo laga gudbo hadaladda iska gole ka fuul ah oo aan ilmo yari qaadan karin qof waynba iska dhoofe.


Haddaba haddii Ednaoo xataa Riyaale rajo badan ka qabay oo uu rag u diiday jaggaddii arrimaha dibadda ee uu ku maamusay iyada, qabayna bacdamaa intaas oo xil ay soo qabatay laga soo bilaabo kalkaasnimadii Caafimaad ee ay ku soo qaadatay dalka UK ilaa hadda oo ay CusbitaalEdnaHospital maamusho intii ka dhex lahaydna aan hore u soo tilmaamay, jaggooyinkii ay soo qabatay haddii aanay waxba ka baran goorma ayay dadka reer Somaliland baranayaan siyaasadda iyo sida ay u shaqayso? Muddo ku siman 60 sanno ah ayaynu ka nahay damiino rag iyo dumar oo ay Muqdisho ina maamulayso kol aynu waxeenii gacanta ka saaray oo aynu ku nidhi sidaad doonto noo maamula muddo 30 sanno ah iyo 30 sanno oo kale oo aynu baryayno inay ina fasaxdo oo ilaa ay Muqdisho ku tufto aynaan noqon karin dawlad madax banaan, sidaas oo ay qabaan min madaxwayne ilaa agaasime waaxeed Eebbow magantaa! Alla maxaa Eebbe ku saliday Somaliland qaar aan fahmin siyaasad iyo camalkeed oo haddana ah bilaash xaytayaal inoo sheegga inay yihiin "rug caddaa siyaasiyiin ah” hadday siddaa tahay damiinaddii siyaasadeed ee Somaliland maye tolow? kuwaasi si jamaca waxaan kula talin lahaa inay ka waantoobaan mikirifoonka ay la taagan yihiin meel kasta ee ay khaladka ka fahmeen waxan loo yaqaan shir jaraa’id ama af-qalaad lagu yeedho (press conference) oo ay xataa yaraan lahayd inta bulshadda Somaliland iyo ta Somaliyaba ogaanayaan faashilkoodda iyo wax ma yaqaanimadoodda. Arinkooguna uu noqon lahaa siddii islaantii carruurteedda ku tidhi "Hooyo afka isa saarsaara ha la idin tuhmee” iyaddoo islaanta reer miyigga ahayd ka xikmad badnayd kuwan Somaliland u dhashay ee inoo sheegta siyaasiyiin aniguse aan u aqaan "sheegtayaasha siyaasiyiinta somaliland” aanan marar badan u qoomamoodo kuwaas oo waliba ina soo hor taagan.


Maqaalka aan ku soo af jaroEdnaAadan maad ahayn qofkii af labaddii yeedhi lahaa ee qarniggii 21aad noo sheegi lahayd ina laba dhakhtar oo ay tababar u diranaysay waddan ka mida Afrika laga soo celiyay Muqdisho, iyadoo waliba la soo bahdilay qaranka aad ka soo jeeddaana uu xorriyaddiisa qaatay 1960kii oo ku siman 60 sanno ka hor oo aad waliba markhaati ka ahayd xorriyad qaadashaddii. Waxa kale oo aad soo noqotay afo raysal wasaare, shaqaale sare (WHO) Hay’adda Caafimaadka Dunidda, wax barasho dibadeed lixdamaadkii gaar ahaan UK oo Somaliland hore ay maxmiyad ugu ahayd, wasiir Arrimo dibbadeedd Somaliland iyo wasiirka shaqadda iyo haweenka somaliland, haddana leh cisbitaal u gaar ah (private Hospital) oo wali la shaqaysa si toosa ama dadban adduunka galbeedka luuqadda English taqaana. Markaa waxaan ku odhan lahaa aad ayay kaaga hoostay inaad garan kari waydo adigoo ah qofkaa aan ka soo sheekeeyay inaad hakad duulimaad ugu samayso shaqaalahaagga Muqdisho oo ay fiintu dhex miranayso Somaliland. Waxaad garan wayday hakad duulimadkoodda uga dhig Addis Ababa, hana uga sii gudbeen halkii uu socodkooddu ku abaarnaa. Taasina waa ta keentay inaad quudhsiga intaa le’eg u soo jiiddo dalkii aad u dhalatay ee aad ku tasbiixsan jirtay adigoo leh dalkayga Somaliland, dalkaygga Somaliland dalkayga Somaliland.


Qore: Cabdi Muxumed

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...