Aqri oo kafaa iidayso
1.Masku si walbuu u xuubsiibto waa maskii uun, midaas xusuusnow inta aadan ogolaan dadka qaar inay dib noloshaada ugu soo laabtaan.
2. Marka aad ku faraxsantahay qof Uma baahnid in aad ku muujiso Social-media, Dheymankuba way qarsadaan dadka heysta.
3. Ha igu oran waan kuu xiisay adigoon xitaa ogeyn xaalkeyga.
Nolosha taagan wax dhaama lawaa
4. Ka tag wax walba laakiin waligaa haka tagin salaada
Farxaddu ma'aha inaad hesho qof ku jecel balse waa in aad heshaa qof ku fahma xaalad walbaa.
5. Qofna ma arko ilmadaada, murugadaada, xanuunkaaga laakin qof walbaa wuxuu arkaa qaladkaaga kaliya.
6. Nasiib daro gabdhaha qalbiga wanaagsan leh had iyo jeer ma helaan xiriir wanaagsan.
7. Qofkuu doono ha ahaado qofna noloshaada haku qasbin Qof aan ku rabin, ha isku dhajin oo haku qasbin inuu ku jeclaado Qofka kaliya ee aan marnaba ku nici doonin waa hooyadaa.
8. Qofna haka ogolaan in uu kaa yeelo siduu rabo, jaceyl aad u qabto dartii.
9. Waa laga yaabaa in ay kugu adkaato in aad qof raaligeliso, balse macquul maaha in ay kugu adkaato in aad ALLAAH raaligeliso.
Mowlid Hassen Jr.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!