Ma Ilaalin Baa Mise Waa Ibtilo!

0
Monday August 16, 2021 - 10:05:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 719
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ma Ilaalin Baa Mise Waa Ibtilo!

    W/Q: Ahmed Abdulkadir Ahmed(Kayse)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Abdulkadir Ahmed(Kayse)

Buugga biolagyga ee sannad dugsiyeedka fasalka sadexaad( form3) dugsiyada sare ee Somaliland waxa tuduc ka midi ka hadlayaa qaabka uurka laysaga ilaaliyo, Waxaa muhiima in lays waydiiyo in dhalinyarada da'dan ah casharakan oo kale loo dhigaa ma ku haboontahay?



Hadii looga jeedo kala korinta Caruurta, ardayda fasalkani ma aha dad xaasley ah, xogta noocan ahi waxay ahayd in ay hayaan uun lataliyayaasha xanaanada caruurta ee goobaha caafimaadku oo talo bixin ahaan usiiyaan reeraha cidii ay khusayso ee cudur daar sharciya haysata.


Hadaad u fiirsato qodobka No 2 wuxuu timaamayaa in la isticmaalo condom, waxa uu xusayaa erayga couple( lamaane) eraygani ma muujinayo laba qof oo is-qaba ee wuxuu tilmaamaa 2 qof noocay doonaan ha ahaadeene.


Arrintan waxaa ka dhalanaysa in ay ku dhiiradaan oo sameeyaan ardaydu galmada aan sharciga ahayn iyadoo loo tilmaamay qaabka looga hortagi karo uurka waayo waxaa la dhigay meel aanay ku haboonayn waxayna ka dhigantahay in aad ilmo yar u dhiibto baastoolad oo aad tidhaahdo ku ciyaar.


Su'aasha iyana u baahan in laga jawaabaa waxay tahay arimahan manhajka ku jira ee loga soo waariday wadamada reer galbeedka manaahijtooda ma la is waydiiyay maxaa ku kalifay in ay manhajkooda waxbarasho ku daraan?


Waa waddamo ibaaxiyiina oo galmadu ka mid tahay wax lagu ababiyo dhalinyarada tusaale ahaan: hadii Inanka ardayga ah ee dhigta dugsiga sare lagu eedeeyo in aanu saaxibad lahayn oo uu yidhaa ma rabo waxaa loo gudbiyaa baadhitaan xaga psychiatric ah oo hawl- wadeen (Education psychiatric)ah oo schoolka la shaqeeya baa kiiskiisa gacanta loo geliyaa.


Mida kale wadamada reer galbeedku waxay la baaxaa degayaan oo maarayn kari la’yihiin mushaakilkii iyo guuldarooyinkii ay ka dhaxleen Cilmaaniyadda iyo tuuridii ay tuureen dhaqanka diinta,burburintii guurka, galmadii aan loo Aabo dayin waxay muquursiisay dhibaatooyin iyo in ay waajahaan mawjado aan la moosi karin oo dhaqan dhaqaale, caafimaad, waxay keentay in ay soo baxaan jiilal ku koray dariiqa oo aaba laawayaala oo aan lahayn xishood, naxariis gaystana danbiyo aan la suurayn karin, tusaale waxaa kuugu filan "Maydkaa la sii sido” Oo ah dilkii usbuucan ka dhacay magaalada Plymouth ee koonfur waqooyi ee dalka ingriiska oo inan dhalinyaro ah oo 22 jir ah oo la yidhaa Jake Davison uu ku dilay 5 qof oo hooyadii ku jirto kuna dhaawacay 2 qof.


Markaa waxaa haboon in layska baandheeyo cutubyadda(chapters) ama mawduucyada (topics) loo gudbinayo ardaydeena lana waafajiyo diinta, dhaqanka iyo qaab nololeedka ummadeenna.


Waxaan u soo jeedin lahaa in Wasaaradda waxbarashada khasatan xafiiska manaahijtu dibu eegis ku sameeyo mawduucaa lagana saaro manhajka iyadoo lagu eegayo il caafimaad qabta lana ilaalinayo diinta, dalka iyo anshaxa wanaagsan lana badbaadiyo bulshadeena.


Allah hayna waafajiyo tubta toosan!

Ahmed Abdulkadir Ahmed(Kayse)

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...