Golaha Wakiiladu Yaanu Ku Mashquulin Xeerar Mashaariic Ujeedooyin Kale Laga Leeyahay

0
Monday August 16, 2021 - 09:35:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wakiiladu Yaanu Ku Mashquulin Xeerar Mashaariic Ujeedooyin Kale Laga Leeyahay

    Ee Kuwa Dawladnimada Iyo Dalka Muhiimka U Ah Waxwalba Ha Ka Horeysiiyeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ee Kuwa Dawladnimada Iyo Dalka Muhiimka U Ah Waxwalba Ha Ka Horeysiiyeen
Dalku marba marxalad buu marayaa , marba xaalad baa taagan iyo duruufo gaar ah , oo waxa laga soo bilaabay xili nabadayn iyo dib u heshiisiin , xili hub ka dhigis , xili dawladnimo iyo dib u dhis haykal qaran , xili dastuur sameyn iyo dhamaan waxii uu qaran u baahnaa.



Halka maanta la marayo horumarinta , hagaajinta waxii hore loo soo sameeyey , ku darista waxyaabaha kooban ee inaga dhiman iyo in dariiqo loo jeexo barwaaqo iyo horumar waara oo ay dadkeenu gaadhaan , waxaana sal u noqonaya in aynu helno xeerar wax wada lahaansho , wadajir umadeed iyo waarida dawladnimada u ah sees oo ay ka mid yihiin ;


1- Xeerarka maalgashiga caalamiga ah .

2- Xeerarka sheegaya qaybsiga khayraadka dabiiciga ee dalka ka soo baxa iyo fursadaha waaweyn ee dhaqaale ee caalamka inagaga yimaada.

3- Xeerarka qiimeynta dib u eegista iyo Horumrinta gobolada iyo degmooyinka dalka xaga juqueaafiga , sharciga , maamul daadejinta iyo kobcinta haykalka qaran.

4- Xeerarka awood qaybsiga nidaamka dawladnimo maadaama aynu halkan ku soo gaadhnay xal iyo xeerar laga soo dheegay 1960kii.


Golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland waxa laga sugayaa wax badan oo ka wayn afarta qodob ee aan kor ku xusnay laakiin xiligani aad bay muhiim u yihiin sababo badan awgood oo kala ah ;


b) Abuurida fursado shaqo iyo dhaqaale uu qaranku yeesho .

t) Sahlida deganaansho ,xasilooni iyo wax wada lahaansho .

j) Horumrinta gobolada iyo degmooyinka dalka.

x) Adkaynta wax wadalahaanshaha iyo is aaminka dadka jamhuuriyada Somaliland.


Waxa aan u soo jeedinayaa Golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland iyo gudoonkooga in marka Xeerarka noocan ahi la wadi in aan la siyaasadayn , la xisbiyeyn ee laga fekero saameynta ay yeelan doonaan 100 sanadood ee soo socda iyo sida aynu dadkeena dambe wado wanaagsan ugu jeexi lahayn .

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil

Image

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...