Taariikhda Guddoomiyaha Cusub Ee Wakiilada Somaliland

0
Tuesday August 03, 2021 - 16:57:30 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2738
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhda Guddoomiyaha Cusub Ee Wakiilada Somaliland

    Hargeisa(HWN):-Xildhibaannada cusub ee golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta doortay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Xildhibaannada cusub ee golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta doortay


Hargeisa(HWN):-Xildhibaannada cusub ee golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta doortay Guddoomiye cusub, kadib doorasho ka dhacday xarunta golahaasi ku leeyahay Caasimadda Hargeisa.



Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Ahmed ayaa loo doortay Guddoomiyaha cusub ee golaha Wakiillada Somaliland, waxaannu ku guulaystay tiro cod ah oo dhan 42 cod, halka uu helay Xildhibaankii jagaddaas kula tartamaayay 39 cod.


Haddaba, halkan ka akhriso taariikhda Guddoonka cusub ee golaha Wakiillada Somaliland Mudane, Cabdirisaaq Khaliif Ahmed.

Taariikhda Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Ahmed.

Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood, sannadkii 1967-kii, waxabarshada hoose waxa uu ku qaatay isla magaaladaas, halka uu waxbarashadiisii sare uu ku qaatay koonfurta Soomaaliya.

Waxaa se uu sheegay in aanu ku shaqayn wixii uu bartay isaga oo u baydhay dhanka ganacsiga gaarka ah, maamulka iyo siyaasadda.
Labaatankii sano ee u dhaxeeyey 1991 illaa 2010 hawlahaas ayuu ku mashquulsanaa.

Xukuumaddii ugu horreysay ee madaxweyne Siilaanyo ayuu ka noqday sannadkii 2010-kii wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska.

Halka mar kale 2013 bishii 7aad uu noqday Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland.

Sannadkii 2015-kiina waxa uu ka mid noqday tiro Wasiirro ah oo iska casilay Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, kuwaasoo markii danbena ku biiray Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Sannadkii 2016 – kiina waxa uu noqday xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga WADDANI.

Halka 2018 bishii 3aad uu noqday Guddoomiye Ku-xigeenka Koobaad ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

Waxaanna uu Sannadkan Xildhibaannadii cusbaa ee golaha Wakiillada uga soo baxay gobolka Sool, isaga oo haatanna ku guulaystay Guddoonka Aqalkaas.

Loading...
Loading...