Wasiir Xasan Gaafaadhi Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Boqor Buurmadaw "Cismaan waa Nin Dhib Badan"

0
Sunday August 01, 2021 - 17:14:44 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Xasan Gaafaadhi Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Boqor Buurmadaw "Cismaan waa Nin Dhib Badan"

    "Maantana Waxaad Uga Sii wareegta Waa waxaad Ku Dhiman Lahayd"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maantana Waxaad Uga Sii wareegta Waa waxaad Ku Dhiman Lahayd"

Hargaysa (HWN) Wasiir Xasan Gaafaadhi ayaa sheega in boqor Buurmadaw oo kamid ah madaxdhaqameedka Somaliland uu dhamaaday wakhtigii uu karaamada lahaa, isla markaana uu ka shaynayo ayuu yidhi sidii uu iskugu diri lahaa wasiir Maxamed Kaahin iyo Muuse Biixi Cabdi.



"Cismaan waa Nin Dhib Badan' Waa Nin Ka Shaqeeya Wax Yeelada Iyo Dhibaatada dadka, waa Nin Cidna Aan U tudhin, waa Nin Dadntiisu Meesha Ay La Gasho Dagaal gelin karo' Nin Ogol Maaha qof Reerka Ka soo baxa.


reerku Markay Khaati Iska taagay waxyeeladiisi Iyo dhibaatadiisi waxay Go'aansadeen In Ay Suldaan kale samaystaan, maxamed Kaahin wax wanaag ah Oo Uu U hayo ma Jirto, Go'd hadii Uu Ku Ridi karo wuu Ku ridaya Waxbadana Wuu Isku dayay Inuu Shaqdiisa Curyaamiyo, balse maanta wax Uu doonaya Inuu Isku diro Maxamed Kaahin Iyo madaxwaynaha, Aduunka Nin La Haysan kara maaha, waa nin Meeshii Aduun ka galo wax kasta Oo ay gaysanayo u gala, kaasina Mid lahaysan kara Maaha, Mudo Kooban Ayaa waxaas Oo dhan la waaya wax Ka Shubta Oo U yimaada Mooye.


Wasiirka ayaa sheegay in xukuumadii ukala dambeeyay Somaliland dhamaantood ay xabsiga utaxaabeen Buurmadaw "Somaliland Xukuumad aan xidhini Ma Jirto Xataa Imaaradka, Waxaad Is Odhanaysaa Waa dadkii xabsiga Loogu tala galay, Cidu Masuul ka yahay Iyo cid Uu Soo kicin kara Ma Jirto' wakhtiyo aan Dadku Soo Jeedin buu Soo Jeeda Oo dadka hurdada Ka Kiciya” ayuu yidhi Wasiir Gaafaadhi.


Wasiirka oo hadalka Siiwata ayaa intaasi raaciyay "Cismaanoow Wakhtigii aad Magaca Lahayd wuu dhamaaday' Maantana Waxaad Uga Sii wareegta Waa waxaad Ku Dhiman Lahayd Oo Ku Karaamo Seegi Lahayd". Wasiir Xasan Gaafaadhi.


Boqor Buurmadaw ayaa beryahan dambe dhaliilo culus ku miisa xukuumada uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi, taasi oo uu ka gubtay Wasiir Gaafaadhi.


Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office.

Loading...
Loading...