Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Laba Guddi Kala Hadlay Doorashada Aqalka Sare

0
Tuesday July 27, 2021 - 08:55:57 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Laba Guddi Kala Hadlay Doorashada Aqalka Sare

    Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Laba Guddi Kala Hadlay Doorashada Aqalka Sare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Laba Guddi Kala Hadlay Doorashada Aqalka Sare




Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Moaxamed Islaam, ayaa xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo waxaa uu kulan kula qaatay masuuliyiinta Guddiga hirgalinta doorashada ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland.



 

Axmed Madoobe ayaa Xubnaha labada Guddiga ka dhagaystay duruufaha iyo marxaladaha shaqo ee ay ku jiraan iyo sida ay ilaa hada shaqadu u socoto.


 

Madaxweynaha ayaa sheegay in rajo wanaagsan uu ka qabo in shaqada Guddiga ay u dhacdo si hufan oo daah furan sida ugu dhakhsiyaha badan.


 

Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayuu ku amaanay MadaxweynahaJubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam shaqada adag ee ay hayeen Guddiga maalmihii lasoo dhaafay.

Loading...
Loading...