Kumuuahaa Captain, Allan Gibb ama Giib? Maxaa dhacay markii la diley?
Waxay inoo joogtey qaybtii saddexaad in ninkii dawladda ingiriiska uga wakiilka ahaa Burcomarkii dilka Giib dhacay uu sheegey in magaalada Burco la gubayooo weliba dhibaatooyin badan loo geysanayo dadka dilkageystey.
Haddaba,Sir GeoffreyArcher(Governor of British Somaliland October 1919to 17 August 1922) ayaa isgaadhsiintii waqtigaas ee TELEGRAM kula xidhiidheySirWinston Churchill oo ahaa xoghayihii boqortooyada ingiriiska u qaabbilsanaa waddamadaxukunka ingiriiska hoos yimaadda ama mustacmaradaha ingiriisku u taliyo, wuxuuna siiyey Report ku saabsan Shilka Burco ka dhacay ee dilka GIIB.
Waxaa ku xusan qoraalka inuu ka (murugoonayo inuu u sheego war naxdin leh oo ah in isagoo meel buuq iyo rabsho cashuur diid ka jirto oo u dhaxaysa qabiilka reer Sugulle iyo Cuqaal qabiillo kale ahGiib la toogtey shalay (24 February 1922).
Waxaa dabeeto Giib oo turjumaankiisii wataa uu u baxay meeshu buuqu ka jirey dabeeto askar ka tirsan ciidankii Camel Corps-ku ay isku dayeen iney ka joojiyaan Meesha oo u sheegaan in Meeshu khatar tahaylaakiin uu ka madax-adaygaysidaasna niman ku hubeysan qoriga RIFLE ahi ku dileen.
Qoraalkaas TELEGRAM wuu dheeryahay ee dulucdiisa ayaynu hoos usii geleynnaa waana in ARCHERoo la sheegayin reer burco u yaqaanneenCAARSHE oo ah magac somali ah uu dalbaday in labo dayuuradoodoo kuwa wax duqeeya ah lagu soo gaadhsiiyo 14 cisho gudahood waayo wuxuu ku hawlannaa qorshe weyn oo ah in beesha wax dishey laga aargoosto.
Wuxuuna kusoo xidhey codsigiisa isagoo soo jeediyay inay rabaan in dadka wax diley lagu xukumo 2500 Halaad
(ogow qoraal horena 3000 Halaad baa ku xusnaa in lasoo jeediyey in lagu xukumo dadka diley ninkaasGIIB), isla markaas ay kusii labo jibbaaraan haddii ay bixin waayaan, weliba xoolahooda iyo dhul-daaqsimeedkooda ay ku RUSHEYN doonaandayuuradaha.(Fine to be doubled in failure to comply with latter conditions and aeroplanes to be used to bomb stock on grazing grounds).
Haddaba, xaajadu waxay kusoo ururtey dayuuradihii la dalbadey oo ah labo kana mid ah raxantaROYAL AIR FORCE (RAF)ay CADAN kasoo duuleenoo ku dul duuleen dhulkii loo tuhmayey in dadkii dilka geystey u baxsadeenisla markaas BURCO inta dadkii laga saareydabeeto la duqeeyey.
Waxaa qoraalladaas ku xusan in qabaa-ilkii dilka geysteydabeeto ay oggolaadeen ineymagta GIIB bixiyaan laakiin waxay ka madax-adaygeen oo diideen iney sheegeenraggii dilka GIIB geystey iyo iney soo dacan geliyaanba.
Marka sheekadan qaybteeda qoraalka oo aad u dheer aan intan kusoo koobno waxaynu geleynnaa qaybaha danbe oo ku saabsan taariikhaha ODAY KASOO GAADHama laga soo weriyey jiilkii saddexdaad ee kan immika jooga ka horreeyey, waan ku kalsoonahay in dad badan oo sheekadan DHEG KU MAAL ku haya lagasoo helayo SOMALILAND weliba Togdheer region.La soco qaybta shanaad……..
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!