Faallo:-Loollanka Shirguddoonka Wakiilladda Oo Meel Xaasaasiya Marraaya!

0
Tuesday June 22, 2021 - 15:16:52 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1136
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-Loollanka Shirguddoonka Wakiilladda Oo Meel Xaasaasiya Marraaya!

    Hargeisa(HWN):-Loollankii loogu jirey Hanashadda Maayirrada iyo Ku-xigeennada degmooyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Loollankii loogu jirey Hanashadda Maayirrada iyo Ku-xigeennada degmooyinka


Hargeisa(HWN):-Loollankii loogu jirey Hanashadda Maayirrada iyo Ku-xigeennada degmooyinka darajadda koowaad ayaa si rasmi ah u soo dhammaaday, iyaddoo Isbahaysiga Xisbiyadda mucaaridku ay ku guulaysteen Shan ka mida degmooyinka Darajadda koowaad ama Grade A.


Degmooyinka darajadda 1aad ee Xisbiyadda mucaaridka ee WADDANI iyo UCID ay ku guulaysteen waxa ka mida degmadda Hargeisa, degmadda Burco, degmadda Geerigaabo, degmadda Laascaannood iyo degmadda Boorama, halka uu Xisbiga talada haya ee KULMIYE uu helay degmooyinka kala ah Berbera iyo Gabiley.
Loolankii Gobolka Sool Oo Lagu Kala Calaf Qaaday Iyo Labo Qodob Oo Musharax Cabdirisaaq Khaliif Kaga Adkaaday Yaasiin Faratoon [Xog]

Hirdanka iyo loollanka loogu jirey Hanashadda Maayirrada iyo Ku-xigeennadooda oo ahaa mid aan waxba la isu reebban oo sarre u qaadday Xarraaradda siyaasaddeed ee Somaliland, iyaddoo ay si adag ugu dagaalameen Xisbiyadda mucaaridka iyo Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisa oo isku dhinac ah, isla markaanna ay Xukuumaddu dib u dhigtay Kalfadhiyadda qaarkood oo si wayn loogu tartamaayay, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen degmooyinka Boorama, Burco iyo Laascaannood si ay Xukuumaddu xod-xodasho iyo gallaangal ugu yeelato Xildhibaannada degmooyinkaas, hase yeeshee fadhiyaddaas ay Xukuumaddu joojisay waxba kamay badalin doonnistii Xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID oo dhammaan degmooyinkaas waxa ku guulaystay Isbahaysiga mucaaridka Somaliland ee WADDANI iyo UCID.

Doorashooyinkii isku sidkannaa ee dalka ka qabsoomay 31-kii May 2021-ka waxay ahayd doorasho ay Xisbiyadda mucaaridku guul wayn ka gaadheen, taasoo daaha ka fayday sida ay u kasbaddeen Codka shacabkii u dareeray Doorashooyinkii isbarkannaa ee Wakiillada iyo Deegaanka, oo ay Xisbiyadda UCID iyo WADDANI ay halabsaddeen aqlabiyadda Xildhibaannada ku soo baxay goleyaasha deegaanka ee magaallooyinka waa wayn ee dalka.

Sidoo kale, Xisbiyadda mucaaridka ah ayaa helay aqlabiyadda Xildhibaannada golaha Wakiillada Somaliland, taasoo mucaaridka uga dhigan guul wayn oo taariikhiya oo ay ka gaadheen doorashooyinkii isku sidkannaa ee goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

Hase-yeeshee hadda waxa la galayaa Wajigii 2aad ee tartanka iyo loollanka loogu jiro Xubnaha noqonnaaya Shirguddoonka golaha Wakiillada, kaasoo la rumaysan yahay innuu ka adag yahay tartannadii hore ee Kurraasta Maayirrada iyo Ku-xigeennadooda, waxaanna tartankan cusub ee Shirguddoonka Wakiilladu uu noqon doonnaa mid aan waxba la isu reebban oo ciddiyo ku dagaalan ah, iyaddoo ay Xisbiyadda mucaaridka ahi guddoonka golaha Wakiillada u wataan Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif oo ka soo baxay Xisbiga WADDANI, halka ay Xukuumadduna wadato Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo ka soo baxay Xisbiga talada haya ee KULMIYE.

Shirguddoonka golaha Wakiillada ee tartanka adag loogu jiro ayaa ah mid saamayn siyaasaddeed iyo mid istaraatijiyaddeed-ba leh, isla markaanna awood Distooriya ku leh nidaamka dawladdeed ee dalka, waanna sababta ay dhinac kastaaba orodka ugu jiraan siddii ay u halabsan lahaayeen Shirguddoonka aqalkaas Wakiillada, inkastoo ay Xisbiyadda mucaaridka ahi ay haystaan fursad muhiimaddeeda leh oo ah aqlabiyadda Xildhibaannada golaha Wakiillada oo ah 52 Xildhibaan, halka Xisbiga KULMIYE haysto 30 Xildhibaan oo kaliya, balse taasi kama dhigna inay siddaas guul ku joogaan Xisbiyadda mucaaridka ahi, hase yeeshee wax weliba waxa ay ku xidhnaan doonaan sida loogu kala galaangal iyo xod-xodasho bato Xildhibaannada golaha Wakiillada Somaliland.
Loading...
Loading...