Muuse Biixi Muxuu Ka Aaminsan yahay Haweenkii Ka Qayb Galay Doorashooyinka Ee Guuldaraystay?

0
Tuesday June 22, 2021 - 08:47:17 in News by
  • Visits: 1127
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Muxuu Ka Aaminsan yahay Haweenkii Ka Qayb Galay Doorashooyinka Ee Guuldaraystay?

    Muuse Biixi Muxuu Ka Aaminsan yahay Haweenkii Ka Qayb Galay Doorashooyinka Ee Guuldaraystay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Muxuu Ka Aaminsan yahay Haweenkii Ka Qayb Galay Doorashooyinka Ee Guuldaraystay?

Hargeysa(HWN):-Muuse Biixi waxa uu ka hadlay aragtida uu ka qabo inay hadhaan inta badan haweenkii isku soo sharaxay doorashooyinkii golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanada ee dalka.

Madaxweyne Muuse Biixi oo wareysi siiyey VOA


Muuse Biixi waxa uu dardaaran u jeediyey haweenkii dhacay ee ka qayb galay doorashooyinkii goleyaasha wakiilada iyo deegaanada, waxaanu yidhi  "Habluhu guul inay joogaan baan anigu u arkaa, waayo haddii raggu idin cadaadinayey, haddii qabyaaladi idin cadaadinaysay iyo haddii dhaqan idin cadaadinayeyba, maanta waxad ku faraxdaan kuwii intaaba is bidayey ee moodayey inay dhaqan kusoo baxayaan iyo idinku inaad meel wada joogtaan, markaad codka eegtaanna intii aad ka cabanayseen, in badan oo tirsanaysay maanta waa idin la mid oo may soo bixin.”

Muuse Biixi isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu caddeeyey inuu madaxweyne ahaan kaalin weyn ka qaadanayo sidii haweenka looga qaybgelin lahaa talada qaranka, loona suulin lahaa caqabadaha haweenka hor yaalla,"Xukuumad ahaan waannu idinla shaqaynaynaa, carqaladdaa ay dumarku ka maqan yihiin taladii dalkana waa waajib qaran oo qof walba saaran, in arrintaas xal loo helo oo la riixo, xukuumad ahaan iyo qof ahaanba kaalintaydaan ka qaadanayaa, waanan ka dedaalayaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

sidoo kale waxa uu soo dhaweeyey codsiyo kala duwan oo ay haweenka aan doorashadii ku guulaysani madaxweyne ahaan ugu soo gudbiyeen, waxana uu u sheegay inuu la dareen yahay, codsiga ay usoo jeediyeen ee ay ku midaysan yihiinna uu si gaar ah usoo dhaweynayo, tixgelinna siinayo.


Loading...
Loading...