Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Hadlay Xalaalnimada Doorashada Uu Qabanayo

0
Tuesday June 22, 2021 - 08:42:07 in News by
  • Visits: 835
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Hadlay Xalaalnimada Doorashada Uu Qabanayo

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Hadlay Xalaalnimada Doorashada Uu Qabanayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Hadlay Xalaalnimada Doorashada Uu Qabanayo


Ra”iisal wasaaraha Itooboya Abiy Ahmed, ayaa ka hadlay doorashadii ka dacday dalka Itoobiya, isagoona dhambaal hambalyo ah u diray dhamaan shacabka Itoobiya oo si nabadgalyo ah ku soo gabagabeeyay doorashadii guud ee la qabtay Isniintii.




"Maanta waa maalin taariikhi ah Etihopian-ka maxaa yeelay waxay in badan u oomanaayeen doorashooyin dimoqraadi ah. Riyadeenii ayaa rumowday maanta. Waxaan adduunka tusnay in dimuqraadiyadda ayna kaliya ahayn waxa aan dooneyno laakiin ay sidoo kale qeyb ka tahay taariikhdeenna ”ayuu yidhi.

"Waxaan si guul leh u hirgelinay doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo xalaal ah iyada oo loo marayo guddi doorasho oo madax-bannaan”, ayuu yidhi ra’iisal wasaaraha.

Abiy Ahmed, ayaa sheegay in Itoobiya ay ku guuleysatay doorashadii dadkeeda ay u doorteen musharixiintooda oo si weyn ay u soo baxeen iyadoo aan wax cadaadis ah la saarin.

Waxaanu Abiy Ahmed, sidoo kale sheegay inuu mahadcelinayo xisbiyada siyaasadeed ee tartamaya, hoggaanka guddiga doorashada iyo shaqaalaha, warbaahinta, kormeerayaasha, ururada bulshada rayidka ah, ciidamada amniga iyo guud ahaan shacabka doorka lama-filaanka ah ee ay ka qaateen xaqiijinta guusha doorashada in kasta oo ay jireen caqabado kala duwan.

In ka badan 37 milyan oo codbixiyeyaal ah, ayaa isku diiwaangeliyay in ay shalay oo Isniin ah ka codeeyaan goobaha codbixinta ee guud ahaan Ethiopia.

Geesta kale, doorashada, ayaa waxaa hadheeyay qaadacaadda qaar ka mid ah xisbiyada ugu weyn mucaaradka oo ku eedeynaya xisbiga talada haya dhibaateyn, cabsi-gelin iyo sidoo kale dagaalka wali ka socda gobolka waqooyi ee Tigray, halkaasi oo tan iyo bishii November ee sanadkii hore ay ciidamada dowladdu kula dagaalamayaan xoogag daacada u ah xisbigii gobolkaasi xukumi jiray ee TPLF.


Loading...
Loading...