Ex. Xildhibaan Abubakar Oo Rajo Fiican Ka Muujiyay In Mucaaridku Shirguddoonka Wakiillada qabsannayaan

0
Monday June 21, 2021 - 20:30:56 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex. Xildhibaan Abubakar Oo Rajo Fiican Ka Muujiyay In Mucaaridku Shirguddoonka Wakiillada qabsannayaan

    Ex. Xildhibaan Abubakar Oo Rajo Fiican Ka Muujiyay In Mucaaridku Shirguddoonka Wakiillada qabsannayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ex. Xildhibaan Abubakar Oo Rajo Fiican Ka Muujiyay In Mucaaridku Shirguddoonka Wakiillada qabsannayaan


Hargeisa(HWN):-Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good oo ka mida Xildhibaannada golaha Wakiillada ee Xilligooddu dhammaadday, waxa uu rajo fiican ka muujiyay inay Isbahaysiga Xisbiyadda mucaaridku ay ku guullaysanayaan Shirguddoonka cusub ee golaha Wakiillada Somaliland.
Xildhibaan Abu-Bakar Oo Sheegay In Xisbiga KULMIYE Dooraasho Diid Yahay Iyo Arrimo Kale Oo Xasaasi Ah | Waaberi News


Ex. Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good oo ka mid ahaa Xildhibaannadii hore ee golaha Wakiillada ee gobolka Awdal, isla markaanna ka mida Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa waxa uu sheegay in Xisbiyadda mucaaridka ahi ay Xukuumadda iyo Xisbigeeddaba kaga adkaaddeen tartankii Maayirrada iyo Ku-xigeennadooda, waxaannu sheegay in Shirguddoonka Wakiilladana ay ku guulaysan doonnaan mucaarid ahaan.

"Horta Shirguddoonka golaha Wakiillada waxa lagu doortaa aqlabiyad, aqlabiyaddiina waxa iska leh Xisbiyadda mucaaridka ah oo haysta 52 Xildhibaan, xitaa maaha wax isku dhaw, markaa taasi way iska caddahay in hadafkooddu yahay inay Shirguddoonka golaha Wakiillada qabsaddaan, waanna meesha wax laga sixi karro ee khaladka Xeerarka laga qaban karro, ee Xukuumaddu lagu xisaabin karro, waayo Baarlamaanku waa wax sixi kara Madaxweynaha, Baarlamaanku waa kuwa la xisaabtami karra Madaxweynaha, markaa in aqlabiyadda Xildhibaannada golaha Wakiillada ay yeeshaan Xisbiyadda mucaaridku waxay dan u tahay ummadda Somaliland, waayo waa meesha la xisaabtamaysa Xukuumadda iyo Xisbigeedda KULMIYE, waa meesha toosin karta ee sixi karta." Ayuu yidhi Abubakar Cabdiraxmaan Good oo ka mid ahaa Xildhibaannadii hore ee golaha Wakiillada Somaliland.

Loading...
Loading...