Xildhibaan Khadiija Ahmed Aadan Oo Ka Hadashay Xilka Maayirnimo Ee Loo Doortay

0
Monday June 21, 2021 - 18:12:25 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2095
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Khadiija Ahmed Aadan Oo Ka Hadashay Xilka Maayirnimo Ee Loo Doortay

    Xildhibaan Khadiija Ahmed Aadan Oo Ka Hadashay Xilka Maayirnimo Ee Loo Doortay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Khadiija Ahmed Aadan Oo Ka Hadashay Xilka Maayirnimo Ee Loo Doortay


Hargeisa(HWN):-Xildhibaan Khadiija Axmed Aadan oo ka mid ahayd Haweenkii ku soo baxay doorashaddii goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee 31-kii May 2021-ka, ayaa loo doortay Maayarka magaalada Buuhoodle.
Musharax Xildhibaan... - Musharax Khadiija Ahmednuur Adan


Maayar Khadiija Ahmed Aadan ayaa lagu doortay deegaanka Widh-widh, waxaannay sheegtay in deegaankaas looga coddeeyay markii horeba oo shacabkii codka siiyay ay halkaas ka qaateen Kaadhadhkii codbixinta, balse sida ay sheegtay ay dhawaan tagi doonto magaaladdii loo doortay ee Buuhoodle.

"Runtii aad baan ugu faraxsannahay, manna cabirri karro darreenkayga. Runtii caqabaddo way jireen, laakiin bulshaddaydu si fiican bay iila shaqeeyeen , deddaal badan bay sameeyeen, waannay i soo saarreen markii u danbaysay oo codkooddii si fiican bay ii siiyeen.

Markii hore umma socon Xilkan, mannaan rabbin inaan Xilkaas qabto, laakiin Xildhibaannada golaha deegaanka ayaa ii gartay inaan Xilkaas Maayarnimo qabto." Ayay tidhi Maayarka cusub ee magaalada Buuhoodle Khadiija Ahmed Aadan.

Sidoo kale, Xildhibaan Khadiija Ahmed Aadan oo la waydiiyay bal sida ay u aragto inaan lagu doorran magaaladdii ay Maayarkeedda noqotay, ayaa waxa ay sheegtay in deegaanka Widh-widh lagu doortay oo shacabka deegaanka Buuhoodle ay ka qaateen Kaadhadhkii codbixinta muwaadinta.
"Waa run oo waxa la igu doortay magaaladda Widh-widh, balse waxaan u soo baxay waa Buuhoodle, dadka i doortay ee codkoodda i siiyayna waa shacabka deggen magaaladda Buuhoodle, waayo Kaadhadhka codbixinta halkan ayay ka qaateen, anna halkan baan ka olalaynaayay oo aan ku sugnaa, markaa Buuhoodle waannu tagaynaa, waanan u shaqaynaynaa Buuhoodle, haddii Alle yidhaahdo." Ayay tidhi Maayarka cusub ee magaaladda Buuhoodle Khadiija Ahmed Aadan.

Loading...
Loading...