Mucaaridka Oo Kulmiye Ku Karbaashay Xilalkii Maayarrada Magaalooyinka Waaweyn Ee Dalka

0
Monday June 21, 2021 - 17:38:04 in News by
  • Visits: 1765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mucaaridka Oo Kulmiye Ku Karbaashay Xilalkii Maayarrada Magaalooyinka Waaweyn Ee Dalka

    Mucaaridka Oo Kulmiye Ku Karbaashay Xilalkii Maayarrada Magaalooyinka Waaweyn Ee Dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mucaaridka Oo Kulmiye Ku Karbaashay Xilalkii Maayarrada Magaalooyinka Waaweyn Ee Dalka

Hargeysa(HWN):-Loollankii Maayaradda Magaalo Madaxyadda Lixda Gobol ee Somaliland ayaa soo afmeermay, kaas oo ahaa mid u dhaxeeyey Xisbiga KULMIYE iyo isbahaysiga Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADDANI. Loollanka oo ahaa mid xiiso iyo xamaasad leh, isla markaana ay Bulshada reer Somaliland si weyn ula socotay oo haddal hayn baddan lahaa ayaa la soo gunaanaday, waxaana xusid muddan in Isbahaysiga UCID iyo WADDANI ay ku guulaysteen Maayaradda Magaalooyinka Boorama, Hargeysa, Burco, Ceerigaabo iyo Laascanood, halka uu Xisbiga KULMIYE ku guulaystay degmadda Berbera oo kaliya.




Waxa aan warbixintan idinkula wadaagi doonaa bal magacyada iyo xildhibaannada xisbiyada mucaaridka ee is bahaystay iyo sida ay ugu garaaceen xisbul xaakimka magaalo madaxyada lixda Gobol ee waaweyn waxaanay kala yihiin sidan:


Boorama

Mudaneyaasha Golaha Deegaanka ee degmada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa maayarka Boorama u doortay Maxamed Axmed Warsame (Baradhe), halka maayar ku xigeenkana loo doortay Yaasiin Daheeye Aadan. Maayarka iyo maayar ku xigeenka Boorama ayaa labadooduba waxay ka soo baxeen Xisbiga WADDANI.


Laascanood


Mudaneyaasha Golaha Deegaanka ee degmada Laascaanood,ayaa kal-fadhigoodii u horeeyay ee ay yeeshaan u doortay maayarka Magaalada Laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil (Qase) oo Xisbiga WADDANI ka soo baxay, halka ay maayar ku xigeenka u doorteen Axmed Maxamed Cumar (Kowte) oo ka soo baxay Xisbiga UCID.


Ceerigaabo


Mudaneyaasha Golaha Deegaanka ee degmada Ceerigaabo.ayaa cod aqlabiyad ah ku doortay Maayarka iyo maayar ku xigeenka magaalada Ceerigaabo. Maayarka Ceerigaabo ayaa dib loogu doortay Maayarkii hore Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur oo ka soo baxay Xisbiga WADDANI, halka Maayar ku xigeenka loo doortay Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed (Gaadhi-jiid) oo ka soo baxay Xisbiga UCID. Maayar Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa helay 11 cod, halka Maayar ku xigeen Cabdiraxmaan Gaadhi-Jiid Helay 11 Cod taas oo ka dhigan in Isbahaysiga Mucaaradka ee WADDANI Iyo UCID ku guulaystay hoggaaminta Golaha Deegaanka Ceerigaabo.


Hargeysa.


Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa ayaa si aqlabiyad ah ugu doortay maayarka Magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge,kaas oo ka soo baxay Xisbiga WADDANI, halka maayar ku xigeenka loo doortay Mudane Khadar Axmed Nuur oo ka soo baxay Xisbiga UCID.


Burco


Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Degmada Burco ayaa u doortay Maayarka Magaalada Cabdirisaaq Herro, halka ku-xigeenna ay u doorteen Mukhtaar Baaryare,labadan xubnood ayaa ka soo baxay xisbiga UCID.


Berbera

Kal-fadhigii ugu horeeyey ee Xildhibaanadda Golaha Degaanka Degmadda Berbera ay yeeshaan ayaa Maayarka Magaaladaas ay doorteen Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) oo ka soo baxay Xisbiga KULMIYE, halka Ku-xigeenka maayirka Berbera loo doortay Nuur Cabdi Jaamac oo ka soo baxay Xisbiga WADDANI. Xisbiga KULMIYE ayaa guul darro kasoo gaadhay doorashooyinka.


Loading...
Loading...