"Xukuumadu Ha Iimaansado Saamiga Ay Ka Heshay Codka Shacabka, Hantidana Haw Ilaaliso"....Xisbiga Waddani
Hargeysa(HWN):-Xildhibaanada cusub golaha wakiilada ugu soo baxay xisbiyada mucaaridka ah ee somaliland ayaa kulamo isdaba joog ahi uga furmeen magaalada Hargeysa.
Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi ayaa faah faahin ka bixiyey kulamada Hargeysa uga furmay xildhibaanada labada xisbiga ugu soo baxay golaha wakiilada oo hogaanka xisbiyaduna qayb ka yahay.
Xoghaye Khadar oo ka hadlaya waxyaabaha lagaga hadlay maalinta koowaad ee shirka mucaaridka ayaa waxa uu yidhi "waxaanu soo gaba gabaynay maalinta koowaad ee shir u socda xildhibaanada cusub iyo hogaanka labada xisbi mucaarid ee Ucid Iyo Waddani, shirkaas oo nuxurkiisu yahay sidii ay u sii xoojin lahaayeen iskaashiga labada xisbi ee ilaa hada guulaha waa weyn ka gaadhay doorashadii ka dib, magaalooyinka waa weyn ee dalka shan ka mid ah ayaanay labada xisbi ku guulaysteen maayaradooda qorshihii heshiiskuna uu ku hirgelay.”
Sidoo kale waxa uu ka hadlay mudada uu shirkani socon doono "Shirkani waxa uu socon doonaa mudo sadex maalmood ah, waxaana maanta la gorfeeyey in xildhibaanadu ay dhexdooda yeeshaan aragti wadaag, isbadalka uu shacabku doonayana loo hirgelin lahaa ee loo hogaamin lahaa ee xisbiyada iyo golaha cusub ee wakiiladu ay uga midha dhalin lahaayeen, isbadalkuna u noqon lahaa mid xaqiiqada ku fadhiya oo wanaaga iyo wadajirka somaliland wax weyn ku tara.”
Xoghaye Khadar oo xukuumada uga digaya in xukuumadu laaluush bixiso ayaa waxa uu yidhi "labada maalmood ee soo socdana shirarku way sii socon doonaan iyada oo aqoon iswaydaarsi iyo khibrad wadaag fara badana uu dhici doono, xukuumadana waxaanu ugu baaqaynaa inay iimaansato wixii ay ka heshay shacabka somaliland iyo codkii ay bixiyeen, saamigii kaga soo hagaagay codka shacabkuna waxay u gooyeen 30 xildhibaan, xoolaha umadana waxaanu leenahay shacabka haw ilaaliso.”