Xukuumada Oo Qorshaynaysa Inay Talaabo Ka Qaado Xildhibaan Ka Mid Ah Golaha Cusub Ee Wakiilada

0
Monday June 21, 2021 - 09:38:40 in News by
  • Visits: 2682
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Oo Qorshaynaysa Inay Talaabo Ka Qaado Xildhibaan Ka Mid Ah Golaha Cusub Ee Wakiilada

    Xukuumada Oo Qorshaynaysa Inay Talaabo Ka Qaado Xildhibaan Ka Mid Ah Golaha Cusub Ee Wakiilada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Oo Qorshaynaysa Inay Talaabo Ka Qaado Xildhibaan Ka Mid Ah Golaha Cusub Ee Wakiilada


Hargeysa(HWN):-Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in hay’addaha ku shaqada leh loo gudbiyo xildhibaan ka mid ah mudaneyaasha cusub ee la doortay golaha wakiilada oo masaajid uu iimaan ka yahay eedaymo uga soo jeediyey dawlada.

May be an image of 2 people and text


Wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xildhibaan Sokeeye oo masaajidkaas iimaan ka ahaa laga wareejin doono maadaama oo uu noqday xildhibaan ka tirsanaan doona golaha cusub ee wakiilada somaliladn.


Wasiir Khaliil oo ka jawaabaya eedaymaha xukuumada uga yimid sheekh Sokeeye ayaa waxa uu yidhi "Waxa ka dhacay masaajidka Ikhlaas oo ku yaala xaafada New Hargeysa inuu ka kacay nin sheekh isku tilmaamay oo ka fogaaday sheekhnimadii waana xildhibaan soo baxay oo aan wali la dhaarin, isaga oo dhaartii sugaya ayuu dadkii dhagaysanayey uukacdoon, abaabul iyo hadalo deelqaafa oo aan diinta ku haboonayn uu masaajidka uga jeediyey, waxaanu khudbadiisa ku qaatay inuu dhaleeceeyo dawladii loo mahad celin lahaa ee sida fiican uga shaqaysay doorashooyinka.”


Wasiir Khaliil oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "hadaladiisa laf jabka ahaa waxa ku jiray inay dawladu malaayiin doolar ku baayacayso xildhibaanadii la soo doortay waxaanu leeyahay waxaan ka mid ahay xildhibaanada la doonayo in la iibsado, waxa kale oo uu leeyahay xukuumadu maalkii ay haysay ee masaakiintalagaga ururiyey ayey ku tasarufaysaa taasina meel ay ka dhacday garan mayno, sidoo kale waxa uu waano ku siiyey maayarka cusub ee Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge oo codadkii ugu badnaa ku guulaystay inuu dawlada hoose ka sifeeyo gafanayaashii iyo dadka xaaraantaku naaxay iyo daaquudyada taas oo ah iska horkeen bulsho.”


Sidoo kale wasiir Khaliil waxa uu sheegay in masaajidkaas laga wareejin doono xildhibaanka la doortay ee golaha wakiilada ku biiraya "sidaas darteed waxaanu leenahay ninkaasi wuu gefay xildhibaan la dhaariyeyna maaha, hay’addihii ku haboonaana waan la socodsiin doonaa, aniga oo la tashaday agaasinka madaariska iyo masaajida oo nidaamkoodii sharcina hoos u eegnay waxaan leeyahay mar hadii aad xildhibaan noqotay masaajidkaas faraha ka qaad, siyaasadna looma ogola masaajidka, waxaana loo samaystay siyaasada dabacsan ee umada wax taraysa ee walaalaynaysa balse looma samayn siyaasad kala fogayn ah, isku dir iyo umada oo la kiciyo.”


Wasiirka diinta iyo awqaafta somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed waxa uu ugu baaqay dhamaan iimaamyada masaajidada inaanay arimaha siyaasada ku soo qaadin khudbadaha jimcaha.


Loading...
Loading...