Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Caqabbadaha Haweenka Haysta Iyo Sidda Looga Bixi Karro
Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Caqabbadaha Haweenka Haysta Iyo Sidda Looga Bixi Karro
Hargeisa(HWN):-Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Ahmed ayaa sheegay in Caqabbadaha Haweenka hor-taaggani ay u baahan yihiin in xoog badan la isugu geeyo, isla markaanna ay dhinacyo badani isu kaashaddaan.
Wasiir Maxamed Kaahin Ahmed waxa uu sheegay inaanu dagaalku ahayn mid yar oo hawl fuddud, balse si giddaarkaas Haweenka caqabadda ku ah loo dumiyo waa in Ururrada Haweenka, NAGAAD, Xukuumadda iyo Goleyaashuba u middoobaan siddii xal looga gaadhi lahaa Mushkulladaas.
"Arrintani waa arrin aad iyo aad muhiim u ah, waanna arrin aad u adag, waanna arrin u baahan in aynu go'aanno farabadan ka qaadano, waanna arrin u baahan in aynu xoog badan gelinno. Haweenku doorashaddii xoog bay ku galleen, tirro fiicanna way ahaayeen, meel fiicanna way soo gaadheen oo taas la iskuma hayo, laakiin waxa muhiim ah in aynu hore ugu sii soconno, oo tusaale ahaan Kootadda Haweenka waxa laba jeer gudbiyey Madaxweyne Ahmed Siilaanyo, waxa kale oo gudbiyey Madaxweyne Muuse Biixi, laakiin Qoddobkaas berrigii annagu waxaannu ku adkaynay inay ka qayb-gallaan Doorashadda, waxaanna loo baahan yahay in dedaalka meel la isugu geeyo.
Waa dhab oo Haweenku cod way idin siiyeen, laakiin waxaan qabaa inaanay idin siinin codkii laga filaayay, markaa su'aal kale ayaa jirta oo ah gabadha reer Somaliland ma waxay door biddaysaa in Qoyskoodda gabadhi ka soo baxdo mise waxay door biddaysaa in Nin ka soo baxo, taas laftigeedda wali ma kala cadda, markaa arrintani waxay u baahan tahay in aynu xoogga isugu gayno oo aynu fahamno mushkulladu meesha ay fadhiddo." Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Ahmed.
Loading...
Loading...