"Heshiiskii Xisbiyada Mucaaridku Muu Dhaqan Gelin, Hankooduna Ma Gaadhsiisna Inay Kursiga Madaxweyne Higsadaan"...Xil Ibraahin Buubaa

0
Monday June 21, 2021 - 09:28:02 in News by
  • Visits: 1385
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Heshiiskii Xisbiyada Mucaaridku Muu Dhaqan Gelin, Hankooduna Ma Gaadhsiisna Inay Kursiga Madaxweyne Higsadaan"...Xil Ibraahin Buubaa

    "Heshiiskii Xisbiyada Mucaaridku Muu Dhaqan Gelin, Hankooduna Ma Gaadhsiisna Inay Kursiga Madaxweyne Higsadaan"...Xil Ibraahin Buubaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Heshiiskii Xisbiyada Mucaaridku Muu Dhaqan Gelin, Hankooduna Ma Gaadhsiisna Inay Kursiga Madaxweyne Higsadaan"...Xil Ibraahin Buubaa


Hargeysa(HWN):-Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ka mid golaha wakiilada ee wakhtigoodu dhamaaday ayaa sheegay inuu fashil yahay isbahaysiga ay samaysteen xisbiyada mucaaridka ahi.

Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa Oo Shuruud Ku Xidhay In Wada Hadal Lala Furo Soomaaliya


Xildhibaan Ibraahin Buubaa oo la hadlay warbaahinta ayaa ganafka ku dhuftay hadal haynta la xidhiidha laaluushka ee lagu eedaynayo xukuumada iyo xisbiga Kulmiye inay ku doonayaan gaadhida kursiga gudoomiyaha golaha wakiilada ee cusub.


Xildhibaan Ibraahin Buubaa oo ka hadlaya laaluushka ayaa waxa uu yidhi "Qofka cadaynaya ee ee lacag loola yimid lagana dalbado inuu u codeeyo waa arin u baahan inuu maxkamadaha hortooda ka cadeeyo, walina wax dacaayad ah mooyeena wax xaqiiq ku dhisan oo la odhan karo qof ayaa lacag loola tagay oo lagu yidhi lacagtan qaado oo na soo raac oo cidaas u code inaanay dhicin ayaan u malaynayaa, hadii ay dhacdana qofka xildhibaanka ahi waxa uu xaq u leeyahay inuu maxkamada ka dacweeyo cidii ula timid arintaas isaga oo cadaymaheedana uu la yimaado, qofka taas la yimaadaana waa dembiile laakiin arinta xodxodashada sharciga ayaa fasaxaya oo xildhibaanka idinka oo aan isku xisbi ahayn ayaad fikir ahaan isku raaci kartaan oo aad wada dooran kartaan shirgudoon laakiin laaluush iyo lacag ayaala qaadanayaa cidii haysaa bulshada inay la dhex timaado maahee maxkamada sharciga ilaaliya ayeynu leenahay, arintaasina waa dembi oo xildhibaan la soo doortay lacag ayaan ku siinayaa I soo raac in lagu yidhaa waa dembi, cidii loola yimidna waa inay toos maxkamada u gaysaa mana aha in dadka dhexdooda laga sheeg sheego.”


Sidoo kale waxa uu soo bandhigay mabaadiida uu salka ku hayey isbahaysigii ay samaysteen xisbiyada Ucid iyo Kulmiye sanadkii 2005 markii golaha wakiilada la doortay "isbahaysigii 2005 ee Kulmiye iyo Ucid waxa uu ku salaysnaa xisbi hadafkiisu yahay inuu helo kursiga ugu sareeya dalka iyo xisbi isaguna doonayo intii wixii ka hooseeyo sida gudoomiyaha golaha wakiilada iyo wixii ka hooseeya balse hada waxaad moodaa in labadan xisbi ee imika xulafaysiga samaystay ee Waddani iyo Ucid inaanu midkoodna hankiisu gaadhsiisnayn heer madaxweyne ama kursiga ugu sareeya dalka inuu qabsado rajo buurana aanay ka qabin, waana arinta sababtay in heshiiskoodu u socon waayo sidii loogu tala galay oo meelo badan uu khilaaf ka yimaado”


Qaabka aanu u hirgelin heshiiskii ay wada gaadheen xisbiyada Waddani Iyo Ucid ayuu xildhibaan Ibraahin Buubaa sii faah faahiyey "meelaha qaarkood xisbiga Waddani ayaa wada qaatay maayarka iyo maayar ku xigeenka,meelaha qaarkoodna Ucid ayaa wada qaatay meelaha qaarkoodna way kala qaateen laakiin maaha wax u dhacay heshiiskii ay labada xisbi wada galeen balse waa mid ka timid xildhibaanada goleyaasha deegaanka ka soo baxay ee degmooyinka oo iyagu gudahooda isku qanciyey dhinaca reerahana ka eegay in lagama maarmaan ay tahay in xildhibaano isku xisbi ka soo baxay ay labada kursi ee golaha deegaanka ugu sareeya wada qaataan ama kala qaataan balse maaha mid ku timid heshiiskii xisbiyada.”


Xildhibaan Ibraahin Buubaa oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "waxa kale oo inoo cadaynaya inaanu dhaqan gelin heshiiskii xisbiyadu kursigii ugu weynaa ee ay ku tartamayeen oo ahaa gudoomiyaha golaha wakiilada ayaa ilaa hada mugdi badani kaga jiraa sidii ay ku heli lahaayeen iyaga oo aqlabiyadii xildhibaanada haysta isku tagooduna wax badan badali lahaa oo ay golaha ku qabsan lahaayeen balse aanu ilaa hada aanay muuqan in fursadaas laga faa,iidaysanayo”

 


Loading...
Loading...