Ciidankii Ka Horyimid Muddo Kordhinta Farmaajo Oo Muqdisho Laga Saaray Maanta

0
Friday May 07, 2021 - 15:00:25 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1644
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidankii Ka Horyimid Muddo Kordhinta Farmaajo Oo Muqdisho Laga Saaray Maanta

    "Ciidankaan ayaa ku baxay heshiis dhawaan ay gaareen Rooble iyo Saraakiisha ciidankaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ciidankaan ayaa ku baxay heshiis dhawaan ay gaareen Rooble iyo Saraakiisha ciidankaan"

Muqdiso (HWN) Boqolaal Askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee la baxay Badbaado Qaran kuna guuleystay in ay ka hortagaan muddo kororsigii sharci darada ahaa ayaa maanta ka baxay degmooyinka ku yaalla Waqooyiga Muqdisho.



Ciidankaan ayaa kusii jeedda gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose oo ay markii hore ka yimaadeen.


Waxa ay sheegeen qaar ka mid ah Saraakiisha ciidankaan hoggaaminaysa in saldhigyadii ay ka yimaadeen ay tagi doonaan si ay qeyb uga noqdaan dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.


Ciidankaan ayaa ku baxay heshiis dhawaan ay gaareen Rooble iyo Saraakiisha ciidankaan hoggaaminaysa ka dib markii laga laabtay muddo korosigii labada sano ahaa ee loo sameeyay Hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Loading...
Loading...