Sida Ay Wargeysyada Caalamka Wax Uga Qoreen Soo Celinta Xidhiidhka Kenya Iyo Somaliya

0
Friday May 07, 2021 - 14:48:21 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sida Ay Wargeysyada Caalamka Wax Uga Qoreen Soo Celinta Xidhiidhka Kenya Iyo Somaliya

    "Haddaba sidee warbaahinta Kenya iyo kuwa caalamka kale u weriyeen arrintaas. "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Haddaba sidee warbaahinta Kenya iyo kuwa caalamka kale u weriyeen arrintaas. "

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo celisay xiriirkii diblumaasiyadeed ee kala dhexeeyay Kenya oo muddo lix bilood ah kala go'naa.


Wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa shalay shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ku shaaciyay in Soomaaliya ay dib usoo celisay xiriirkaas.



Sidoo kale, qoraal ka soo baxay Kenya ayaa lagu sheegay in ay arrintaas soo dhoweynayaan. Dowladda Qatar ayaa dhexdhexaadinta ku guuleysatay, sida wararka ay sheegayaan.


Haddaba sidee warbaahinta Kenya iyo kuwa caalamka kale u weriyeen arrintaas.


Wargeyska The Standard ee Kenya

Wargeyska the Standard ee ka soo baxa dalka Kenya, kana mid ah kuwa afka dheer ayaa qoray in Soomaaliya ay dib usoo celisay xiriirkii Diblomaasiyadeed ee Kenya, inkastoo uu weli taagan yahay khilaafka dhanka badda ee labada dal u dhexeeya.


Sida uu qoray wargeyska, Afhayeenka Madaxaweyne Maxamed Farmaajo, oo lagu magacaabo Abdirashid Xaashi, ayaa 6-dii May, sheegay in tallaabadan ugu dambeeysay ay ku jirto danaha labada dal ayna labada dhinacba ka wada faa'iidayaan.


Ku dhawaaqidda Soomaaliya ayaa timid wax yar uun ka dib markii madaxweyne Kenyatta uu guddoomay farriin gaar ah oo kaga timid amiirka Qadar, Sheekh Tamim Bin Xamaad-ka Labaad.


Bishii Deseembar ee 2020-kii, Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in xiriirka diblomaasiyadeed ay u jartay Kenya iyadoo ku doodeysa in Kenya ay farogelin qaawan ku hayso Soomaaliya ayna ku soo xad-gudubtay madaxbannaanideeda.


Wakaaladda wararka ee Reuters

Soomaaliya ayaa khamiistii sheegtay in ay dib soo celisay xiriirka diblomaasiyadeed ee dalka ay dariska yihiin ee Kenya, ku dhawaad lix billod ka dib markii ay Soomaaliya xiriirka u jartay Kenya, iyadoo ku deeyaysay in ay siyaasadda dalkeeda ay faraha kula jirto.


Xiriirka labada dal waxaa uga sii daray ka dib markii ay isku qabsadeen lahaanshaha dhul baddeedka la sheegay in laga helay shidaal iyo gaas, kaas oo ku yaalla xeebta Jubbaland.


Warbaahinta Aljazeera

Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u soo celinayso xirirka diblomaasiyadeed ee dalka darsiska ay yihiin ee Kenya, ka dib markii ay xiriirka u jartay bishii Deseembar, iyadoo xukuumadda Nairobi ku eedeeysay in ay sii hurinayso arrimeheeda siyaasadda gudaha.


Xiriirka labada dal waxaa uga sii daray ka dib markii ay isku qabsadeen lahaanshaha dhul baddeedka la sheegay in laga helay saliid iyo gas, kaas oo ku yaalla xeebta Jubbaland.


Sida Aljazeera ay soo xigatay: "Laba dowladood ay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal iyadoo lagu saleynayo mabaadiida is ixtiraamka iyo madaxbannaanida dhuleed, faro galin la'aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha", ayaa lagu yiri war saxaafadeed ay sheecisay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.


War saxafadeedka ayaa loogu mahadceliyay Amiirka dalka Qadar, Sheekh Tamim Bin Xamad Al-Thani, kaasi oo lagu ammaanay dadaalka uu ka geystay in ay heshiiyaan Soomaaliya iyo Kenya.


Xukuumadda Nairobi ayaa dhankeeda war qoraal ah ku sheegtay in ay dooneyso in xiriirka labada dal ay mas'uuliyiinta Soomaaliya ay sii wanaajiyaan.


The NewYork Times

Maalmo ka dib markii madaxweynaha Soomaaliya uu ka tanaasulay qorshihiisii ​​ahaa muddo kororsiga, kaas oo sababay dagaallo ka dhacay waddooyinka magaalada Muqdisho iyo cambaareyn caalami ah, ayay haddana dowladda madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqday khamiistii in ay dib u soo celinayso xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la laheyd Kenya, taas oo soo afjartay isqabqabsi socday muddo bilooyin ah.


Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Qatar ay door ka qaadatay dhex dhexaadinta labada dal isla markaana labada dhinac ay mustaqbalka dhow yeelan doonaan wadahadallo dheeraad ah oo ku saabsan arrimaha ay ka mid yihiin ganacsiga iyo isu socodka dadka.


Jaridda xiriirkii diblomaasiyadeed ee bishii Diseembar waxay sii hurisay xiisado dhowr ah, oo isugu jiray kuwo cusub iyo kuwii horey u sii jiray.


Markii ugu dambaysay, bishii Diseembar, Kenya waxay martigelisay madaxweynaha Somaliland, oo ah gobol ku dhaqaaqay inuu ka go'ay Soomaaliya inteeda kale. Somaliland ayaanan weli helin aqoonsi caalami ah.


Xukuumadda Muqdisho ayaa sidoo kale ku eedeysay Nairobi in ay faragalin ku hayso howlaha doorashada ee Jubbaland, oo ah gobol ka tirsan koonfurta Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika.


Muddo sanado ah, labada dal waxay sidoo kale ku hardamayeen aag aad u weyn oo ku yaal Badweynta Hindiya, taas oo horseedday dacwad heerkeedu sarreeyo oo ka socota Maxkamadda Cadaaladda Adduunka oo Kenya ay qaadacday.


The Washington Post

Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la laheyd dalka ay deriska yihiin ee Kenya ka dib markii ay xiriirka u jartay dabayaaqadii sannadkii hore.


Bayaan ay dowladda soo saartay khamiistii ayay uga mahadcelisay dalka Qatar, dadaalka ay ku bixisay dhex dhexaadinta.


Madaxtooyada Kenya ayaa barteeda Twitter-ka ku soo qortay kaliya in Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ka helay "fariin gaar ah", Amiirka Qatar oo uu u gudbiyay ergeyga gaarka ah ee wasiirka arimaha dibada ee "dhexdhexaadinta iyo xallinta khilaafaadka."


Soomaaliya ayaa ku eedeysay Kenya in ay faragelin ku hayso arrimaheeda siyaasadda iyadoo dalka ku yaal Geeska Afrika uu la daalaa dhacayo wadahadalo ku saabsan sidii loo qaban lahaa doorasho qaran, ka dib markii uu dib u dhac ku yimid doorashiadii lagu waday in ay dalka ka dhacdo bishii Febraayo.


Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed, ayaa dhowaan ogolaaday inuu ka noqdo muddo kordhin labo sano ahayd oo ay baarlamaanka u sameeyeen, isaguna uu saxiixay, taas oo muran badan uu ka dhashay.


BBC

Loading...
Loading...