Somaliland Maxay Kula Yaabanayd Mudo Kordhinta Farmaajo? Ka Bogo Mudo Dhaafka Ay Ku Fadhiyaan Goleyaashu
Somaliland Maxay Kula Yaabanayd Mudo Kordhinta Farmaajo? Ka Bogo Mudo Dhaafka Ay Ku Fadhiyaan Goleyaashu
Hargeysa(HWN):- Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame ayaa qoraal ku soo bandhigay sida ay mudo dhaafka ugu fadhiyaan goleyaasha somaliland.
abwaan Weedhsame ayaa su,aal galiyey sababta ay reer somaliland ula yaabanaayeen mudo kordhinta Farmaajo iyada oo ay mudo dhaaf ku fadhiyaan goleyaasha guurtida, wakiilada iyo deegaanada guud ahaan somaliland, qoraal uu soo saaray ayaanu ku yidhi sidan:-
SOOMAALILANDEEY FARMAAJO MAXAAD KULA YAABANAYDEEN?
Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland 1997-kii ayaa la doortay. 24 sanno ayey kursiga fadhidaa. Markii wedkii Alle helay badi dadkii la doortay, nin kasta inankiisii baa ka dhaxlay oo boqortooyo ayey noqotay!!!!
Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Somaliland 2005-tii ayaa la doortay. 16 sanno ayey fadhiyaan, muddo xileedkooduna 5 sanno ayuu ahaa. 11 sanno ayey muddo kordhin ku fadhiyaan.!!!!!
Xildhibaanada Golayaasha Deegaanka: 2012-kii ayaa la doortay, muddo xileedkoodunu 5 sanno ayuu ahaa. 9 sanno ayey marayaan oo 4 sanno oo dheeri ah ayaa loo kordhiyey. Kuwii iyaga ka horreeyey 2002-dii ayaa la doortay, muddo xiloodkooduna 5 sanno ayuu ahaa. 2012 ayey ka degeen markay 10 Sanno oo 5 ka mid ahi muddo kordhin ahaa ay ka laasteen.
Madaxweyne Riyaale 2 Sanno ayuu kordhistay. 2003-dii ayaa la doortay, balse 2008 halkuu xilka ka degi lahaa, 2010-kii ayuu ka degay oo 2 sanno ayuu ku darsaday.
Madaxweyne Siilaanyo 2 Sanno ayuu kordhistay. 2010-kii ayaa la doortay, balse 2015-kii halkuu xilka ka degi lahaa, 2017-kii ayuu ka degay oo 2 sanno ayuu ku darsaday.
Kolkaa reer Somaliland waxan weydiinayaa FARMAAJO maxaad kula yaabayseen maalintii dhawayd?
RAMADAAN KARIIM
Loading...
Loading...