Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Inay Dib U Bilawday Xidhiidhkii Ka Dhaxeeyey Dalka Kenya

0
Friday May 07, 2021 - 09:41:17 in News by
  • Visits: 791
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Inay Dib U Bilawday Xidhiidhkii Ka Dhaxeeyey Dalka Kenya

    Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Inay Dib U Bilawday Xidhiidhkii Ka Dhaxeeyey Dalka Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Inay Dib U Bilawday Xidhiidhkii Ka Dhaxeeyey Dalka Kenya

Dawladda Soomaaliya ayaa goor dhow soo saartay go’aan cusub oo dib usoo celinaya xiriirka diblumaasiyadeed ee ay la lahayd Kenya, ka dib heshiis ay gaareen labada dal, sida uu warbaahinta u sheegay wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Federaalka, Cabdiraxmaan Al -Cadaala .


"Labada Dawladood ee Soomaaliya iyo Kenya waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da is-ixtiraamka ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, faragelin la'aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta, wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Dawladda Soomaaliya .

Xukuumadda Soomaaliya ayaa Dawladda Qatar uga mahadcelisay dadaallada ay ku bixisay sidii mar kale heshiis looga gaari lahaa go’aan kii ay Soomaaliya bartamihii bishii December ee sannadkii hore 2020 xiriirka diblumaasiyadeed uga jartay Kenya oo ay markaa ku eedeysay xadgudubyada siyaasadeed iyo faragelinta madaxbannaanida Soomaaliya.




Loading...
Loading...