Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan Muhiim Ah La Qaatay Dhakhaatiirka Safka Hore Kaga Jirta La Dagaalanka Covid-19

0
Friday May 07, 2021 - 09:36:10 in News by
  • Visits: 596
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan Muhiim Ah La Qaatay Dhakhaatiirka Safka Hore Kaga Jirta La Dagaalanka Covid-19

    Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan Muhiim Ah La Qaatay Dhakhaatiirka Safka Hore Kaga Jirta La Dagaalanka Covid-19

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan Muhiim Ah La Qaatay Dhakhaatiirka Safka Hore Kaga Jirta La Dagaalanka Covid-19

Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay qaar ka mid ah dhakhaatiirta iyo adeegayaasha caafimaad ee la tacaalaya xakamaynta cudurka COVID-19 ayaa ku bogaadiyey dadaalladooda naf hurka ah ee ay ku bixinayaan ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay dadaallada ay Dowladdu gelisay kor u qaadidda adeegyada caafimaad ee dalka, iyo guulaha la taaban karo ee laga gaarey xakamaynta Cudurka, iyada oo sidoo kale xil gaar ah la iska saaray daryeelka adeegayaasha caafimaadka.

"Waxaad aad tihiin halyeeyo baal dahab ah ka galaya taariikhda dalkan. Waxaan idiin ka mahad-celinayaa sida geesinimada, naf hurka iyo daacadnimadu ku jirto ee habeen iyo maalinba aad ugu soo jeeddaan shacabkiinna iyo sidii aan u xakameyn lahayn halista caafimaad ee cudurkan safmarka ah.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in loo hoggaansamo talooyinka iyo awaamiirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabkooda, iyada oo ay weli taagan tahay khatarta cudurku. Madaxweynaha ayaa adkeeyey walwalka ku aaddan halista ka imaan karta in mawjadaha cusub ee cudurkani dalka soo gaaraan, isaga oo ku boorriyey shacabka in ay qaataan tallaalka cudurka COVID-19 si ay ka hortag ugu noqoto cudurkan safmarka ah.

"Waxaan idinku boorrinayaa in aad u dhega nuglaataan talooyinka caafimaad oo aad qaadataan tallaalka cudurka COVID-19, waa ka hortag wanaagsan wax dhibaato ahna malaha. Talaalka anigu waan qaatay dadbadan oo Soomaaliyeedna way qaateen waana ka hortag aan dhib lahayn. Ilaahay aan talo saaranno oo aan dadaalno ”

Kulankan oo ay goobjoog ka ahayd Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Fowsiya Abikar Nuur iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Axmed Xuseen Macallin ayaa Dhakhaatiirtu waxa ay Madaxweynaha kula wadaageen warbixin ku saabsan halista cudurkan safmarka ah, saameynta uu ku yeeshay dalkeenna iyo duruufaha ay ku shaqeynayaan halyeeyada caafimaadka ee u taagan samata-bixinta dadkeenna.

May be an image of 1 person, standing and indoor
May be an image of 14 people, people standing, people sitting and indoor
May be an image of one or more people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 1 person, standing, sitting and indoor
May be an image of 1 person, standing, suit and indoor

Loading...
Loading...