Xildhibaan Ka Hadlay Xaalada Somaliland Marayso

0
Friday May 07, 2021 - 09:15:35 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1079
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Ka Hadlay Xaalada Somaliland Marayso

    "waxaan kale oo ku baaqayaa in aad looga fogaado wax kasta oo khilaaf siyaasiya keenaya"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaan kale oo ku baaqayaa in aad looga fogaado wax kasta oo khilaaf siyaasiya keenaya"

Hargeysa (HWN) – Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka mid ah Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasdeed ee dalku halkay marayso, waxaanu si gaar ah uga digay wax kasta oo khilaaf iyo dhibaato keenaya in laga dheeraado, oo is fahan laga gaadho wax walba oo la isku qabto.



Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku taliyey in hoos loo eego oo wax la taro dadka danyarta ah ee jilicsan, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay "Doorashooyin baynu galaynaa, ee ALLE waxaynu ka baryeynaa inay Doorashooyinkaasi inoogu qabsoomaan sida ugu fiican, laakiin waa in muhiimadda koowaad la siiyaa in la iska ilaaliyo wax kasta oo dhib keenaya, waxaan kale oo ku baaqayaa in aad looga fogaado wax kasta oo khilaaf siyaasiya keenaya, wax walba oo la isku qabtana waa in dariiqa ugu haboon uguna macquulsan lagu xaliyaa, markaas aniga taladayadu waa inaynu wada ilaashano dalkeena, oo aynu ka wada ilaashano wax kasta oo dhib ku keenaya”.


Mar wuu ka hadlayey dadka danyarta ah ayuu yidhi "Bishii Ramadaan ayaa dhammaad ku sii dhaw, waxaynu ku jirnaa maalmihii ugu dambeeyey, dadkeena waxaa ku jira dad badan oo aad u tabaalaysan oo danyar ah, markaas aynu dadkeenaas dhibaataysan hoos u eegno, oo aynu wax tarno, ALLENA waxaynu ka baryeynaa inuu mar walba xaqa ina waafajiyo, oo khayrka ina waafajiyo, bishana khayrkeeda ina waafajiyo”.

Loading...
Loading...