War Deg Deg Ah:-Kornayl Doolaal Oo Dib U Helay Xoriyadiisii

0
Thursday May 06, 2021 - 15:45:22 in News by
  • Visits: 2597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Kornayl Doolaal Oo Dib U Helay Xoriyadiisii

    War Deg Deg Ah:-Kornayl Doolaal Oo Dib U Helay Xoriyadiisii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Kornayl Doolaal Oo Dib U Helay Xoriyadiisii

Hargeysa(HWN):-Kornayl Jaamac Maxamuud Aadan (Doolaal), ayaa xabsiga laga sii daayey ka dib markii uu xidhnaa muddo ku dhow laba bilood.


Kornaylka oo Maxkamadda Ciidanku ku xukuntay muddo laba sanno oo xabsi Ciidan ah, ayaa maanta xoriyadiisa helay, ka dib markii muddooyinkii u dambeeyey ay socdeen dedaallo lagu doonayey sii deyntiisa taas oo ay ka shaqaynayeen Odayaal deegaankiisa ah iuo Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, taas oo aakhirkii lagu guuleystay in lagu sii daayo.

kornayl Doolaal oo warbaahinta la hadlay markii uu ka soo baxay xabsiga waxa uuu mahad celiyey cid kasta oo ka qayb gashay sii deyntiisa "waxaanu mahad celinayaa cid kasta oo hawshayda ka qayb qaadatay gudo iyo dibadba,magaalo iyo miyi cid kasta oo ka qayb qaadatay xoriyadayda waan u mahad celinayaa, gudoomiyaha guurtidana si gaar ah ayaan ugu mahad celinayaa"

kornayl Doolaal waxa kale oo uu sheegay inuu xadhigiisa faah faahin ka bixin doono  wakhtiyada soo socda.

May be an image of 2 people, people standing and outdoors
May be an image of 5 people, people standing and outdoors
May be an image of 3 people, people standing and outdoors

Loading...
Loading...