Wasaarada Waxbarashada Oo Go'aan Ka Soo Saartay Dirayska Lagu Tagay Dugsiyada Dalka

0
Thursday May 06, 2021 - 15:32:55 in News by
  • Visits: 1454
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada Waxbarashada Oo Go'aan Ka Soo Saartay Dirayska Lagu Tagay Dugsiyada Dalka

    Wasaarada Waxbarashada Oo Go'aan Ka Soo Saartay Dirayska Lagu Tagay Dugsiyada Dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaarada Waxbarashada Oo Go'aan Ka Soo Saartay Dirayska Lagu Tagay Dugsiyada Dalka



Hargeysa(HWN):-Wasaaradda Waxbarashada Somaliland iyo Dugsiyada Gaarka loo leeyahay, ayaa isla qaatay in la mideeyo dirayska ardayda dhigata Dugsiyada dalka.




 

Kulankan dhex maray Madaxda Wasaaradda Waxbarashada iyo Maamuleyaasha Dugsiyada gaarka loo leeyahay, ayaa la iskula qaatay in la mideeyo Dirayska Ardaydu u xidhato Dugsiyada dalka, kuwaas oo markii hore dugsi kasta uu lahaa Dirays u gaar ah.

Qaar ka mid ah Maamuleyaasha Dugsiyada gaarka loo leeyahay oo ka hadlay qorshahan, ayaa soo dhaweeyey, isla markaana ku tilmaamay mid wakhtigan oo baahnaa.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Abokor oo ka hadlay kulankaas, ayaa sheegay in ujeeddada kulankaas uu ahaa sidii looga tashan lahaa qorshaha lagu doonayo in sannad-dugsiyeedka soo socda lagu beddelo dirayska Ardayda Dugsiyada hoose/dhexe iyo kuwa sare.

 

Agaasime Abokor, oo ka hadlayey arrimahaas, waxa uu yidhi: "Kulankan waxa uu daaranaa Dirayska oo la beddeli doono sannad dugsiyeedkan, waxa la tashiyo badan lala soo sameeyey oo idinka (Maamuleyaasha Dugsiyada) idinka horreeyey Dhakhaatiir iyo Guddoomiyeyaasha Waxbarashada Gobollada iyo Degmooyinka, waayo midabada dadku sida ay u arkaan way kala duwan yihiin. Waxaynu u baahanahay dirays ku haboon Wiilashii iyo Gabadhihiiba, dirays qaranka haybadiisa soo celinaya”

 

Wasiirka Waxbarashada Axmed Diiriye Toorno, oo ka hadlay halkaas ayaa isaguna ka warramay ujeeddada laga leeyahay Dirayska cusub ee la doonayo in ay ardayda dalku xidhaan sannad-dugsiyeedka soo socda, waxaanu yidhi "Ujeedku waxa weeye in ay ardaydu helaan dirays jaban oo ay iibsan karaan illaa ka danyarta ah illaa ka ladan, ka Miyiga jooga iyo ka magaalada jooga. Waa inuu noqdo Dirays ku haboon Cimilada, waa inuu noqdo mid caafimaadka ardayga ku haboon. Mid kale ee ku jirtaa waxa weeye, haddii uu ardaygu Iskuul ka beddesho oo uu mid kale u beddesho, in aan lagu odhan dirays cusub oo nooc kale ah soo qaado amma soo iibso.”

 


Loading...
Loading...