Hoggaanka Mucaaradka Ah Oo Cabasho U Gudbiyey Maxkamadda Sare Iyo Dacwad Ka Dhan Ah Murrashaxiin Kulmiye Ah Oo Waddani Iyo UCID Abaabulayaan

0
Thursday May 06, 2021 - 11:46:55 in News by
  • Visits: 1296
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaanka Mucaaradka Ah Oo Cabasho U Gudbiyey Maxkamadda Sare Iyo Dacwad Ka Dhan Ah Murrashaxiin Kulmiye Ah Oo Waddani Iyo UCID Abaabulayaan

    Hoggaanka Mucaaradka Ah Oo Cabasho U Gudbiyey Maxkamadda Sare Iyo Dacwad Ka Dhan Ah Murrashaxiin Kulmiye Ah Oo Waddani Iyo UCID Abaabulayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaanka Mucaaradka Ah Oo Cabasho U Gudbiyey Maxkamadda Sare Iyo Dacwad Ka Dhan Ah Murrashaxiin Kulmiye Ah Oo Waddani Iyo UCID Abaabulayaan


Hargeysa(HWN):-Hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland, ayaa cabasho u gudbiyey Maxkamadda sare ee Somaliland, taas oo la xidhiidhay xadhigga Murrashaxiin ka tirsan Xisbiyadaas.




 

Masuuliyiin ka socday labada Xisbi Mucaarad ee Waddani iyo UCID, ayaa cabasho ugu tegay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed, iyaga oo ka cowday xadhig la lagula kacay Murrashaxiin ka tirsan Xisbiyadooda oo hore ay u ansixiyeen Komishanka doorashooyinka Somaliland.


Ma jir war rasmi ah oo ka soo baxay Xisbiyada iyo Maxkamadda sare, hase yeeshee sida ay Wargeyska Saxansaxo u xaqiijiyeen warar xogogaal ah Madaxda Xisbiyada ayaa u sheegay in Murrashaxiintooda qaab sharci darro ah loo xidhay, madaama oo ay yihiin murrashaxiin buuxiyey shuruudihii Xeerku waajibinayey ee Komishanku hubinayeen.


 

Wararku waxa ay intaasi ku dareen in Xisbiyadu u sheegeen Guddoomiyaha Maxkamadda sare in aan sifo sharci ah loo marin xadhigga Murrashaxiinta oo ay Ciidanka Bileysku iska xidheen, halkii ay ahayd in ay Waaran u soo goostaan, iyaga oo ka codsaday Guddoomiyaha Maxkamadda sare in uu arrintaasi wax ka qabto.


Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadan Xaaji Cali, ayaa la sheegay inuu isaguna u sheegay Madaxda Xisbiyada in ay arrintan badankeedu khuseeyaan Komishanka doorashooyinka oo ay iyagana cabashada u gudbiyaan.


 

Dhinaca kale, labada Xisbi Mucaaradka ayaa 48 saacadoood e u dambeeyey, waxa ay ku hawlanaayeen diyaarinta dawcad ka dhan ah 12 Murrashax oo ka sharaxan Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, kuwaas oo ay sheegeen in aanay buuxin shuruudihii looga baahnaa, halka mid ka mid ahina uu Somalia xilal ka soo qabtay.


 

Cabashadan Mucaaradka iyo hadallada Xukuumaddu kaga jawaabayo, ayaa ku soo beegmaya xilli ay Somaliland isu diyaarinayso doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka oo 24 maalmood innaga xigaan.


Loading...
Loading...