Xildhibaan Musuq Maasuq Ku Eedeeyey Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Muuse Biixi, Kuna Baaqay In Baadhis Lagu Sameeyo.

0
Thursday May 06, 2021 - 11:43:38 in News by
  • Visits: 1370
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Musuq Maasuq Ku Eedeeyey Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Muuse Biixi, Kuna Baaqay In Baadhis Lagu Sameeyo.

    Xildhibaan Musuq Maasuq Ku Eedeeyey Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Muuse Biixi, Kuna Baaqay In Baadhis Lagu Sameeyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Musuq Maasuq Ku Eedeeyey Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Muuse Biixi, Kuna Baaqay In Baadhis Lagu Sameeyo.


Hargeysa(HWN):-Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee laga soo doorto Gobolka Awdal, ayaa eedeyn culus u jeediyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, kaas oo uu ku eedeeyey inuu ku kacay Musuq maasuq.




 

Mudane Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo u warramayey Saab Tv, waxa kale oo uu ku eedeeyey Wasiirka Beeraha inuu baabi’yey qaab dhismeedkii Wasaaraddaas, waa sida uu hadalka u yidhiye.


Mudane Tukaale, oo ka hadlayey arrimahaasi, waxa uu yidhi "Wasiirka waxa loogu magacaabay Wasaaradda Beeraha inuu Hoggaamin haboon la yimaado, oo weliba qaybta Beeraha ay Xukuumaddu u hagar baxday, oo miisaaniyaddii u kordhisay, oo mashaariic badan u maal gelisay, waxay ahayd in Qaybtaas cirka isku shareerto ayey ahayd. Wasiir Axmed Muumin Seed waxa uu Wasaaraddaas Wasiir ka ahaa, saddex sanno iyo lix bilood.”


Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: "10% ayaa dhulkeena Beerro noqon kara, inta beerana waa 3%, beerahaas dad ahaan way innagu filaan lahaayeen, wax soo saareenna guddaha marka la eego, oo in aynu Bariis la soo baxno waa la gaadhi karayaa, laakiin waxa ay u baahan tahay qorsheyaal adag oo loo sameeyo iyo hoggaamin adag. Taasi maanta ma jirto oo Wasaaradda qaab dhismeedkeedii oo dhan ayaa baaba’ay, Wasiir illaa Waashman Axmed Muumin Seed ayaa ka ah. Khubaradii Wasaaraddu caanka u ahayd way ka baxeen, waxaanay noqdeen laba qaybood, kuwo Hay’addaha u yaacay iyo kuwo Niyad jab la dhex jooga Wasaaradda, waayo waxba lama weydiinayo shaqo looma dirsanayo.”


Xildhibaan Tukaale, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in hanti dhawrka la geliyo Wasaaradda Beeraha, waxaanu yidhi "Lacagtii Ayaxa Jeebka ayuu ku haystaa, isaga lacag haya isla saxeexaya, Agaasimahana la tashi kala samayn maayo, cidda uu doono isaga ayaa Zaad ugu diraya, halkaas waxa aan leeyahay hanti dhawrku in uu shaqeeyo ayaa loo baahan yahay, Miisaaniyaddii dawladda wax badan ayaa halkaas ku lumay, cadaymo badan ayaa la hayaa.”


Dhinaca kale, Eedeynta uu Xildhibaanku u jeediyey Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland, oo aanu isku daynay in aanu dhinaciisa wax ka weydiiyo, Wasiirka ayaanay noo suurto gelin inuu ku helno xidhiidho aanu la samaynay.


Loading...
Loading...