Askari Aan Shaqadiisa Aqoon Iyo Dhacdadii Gabadha La Qaawiyay!.

0
Thursday April 29, 2021 - 09:25:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Aan Shaqadiisa Aqoon Iyo Dhacdadii Gabadha La Qaawiyay!.

    W/Q: Xamse Cumar ku joog

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Xamse Cumar ku joog

Dhawr cisho kahor ayay ahayd markii uu waddo aan marayay uu igu joojiyay askari boolis ah oo dirays xidhnayn se saldhig hortii kasoo kacay, waxa uu i waydiiyay buuggaygii iyo Liisankii gaadhiga, kaddib waxa aan waydiiyay inuu ka mid yahay ciidanka nabadgelyada waddooyinka iyo in kale, waxana uu ii sheegay in aanu ka mid ahayn, kaddib waxaan ku idhi xaq uma lihid inaad i waydiiso buugga iyo liisanka ee shaqadaada kolka hore soo baro.



Maalin kale oo aan fogayn ayaa xarun dawladeed aniga oo ag maraya oo aayar soconaya waxa aan ku war helay askari albaabka igaga soo qaylinaya oo ereyo cay iyo aflagaaddo ah ku dhawaaqaya, kolkii aan istaagay ee aan waydiiyay waxa dhacay waxa uu igu yidhi "Si naf leh u soco oo meesha dhaaf”. Waxa aan waydiiyay meesha uu ku qoran yahay sharciga diidaya in aan aayar socdo, sidoo kale waxa aan waydiiyay meel ay ku qoran tahay wax sheegaya xawaaraha meeshan lagu maraa ee loogu talo galay. Askarigii wuxuu iigu jawaabay inta uu qorigii degta kala degay, "Soco adeer annaga ayaa sharci ahe” waxaan idhi "Waayahay adeer!”.


Labadaas dhacdo waxa i xasuusiyay qoraalka boolisku ka qoreen gabadha askarigu sida foosha xun suuqa badhtankiisa ugu garaacay, cawradeediina uu bannaanka u dhigay, si Islaamnimo iyo Soomaalinnimo midna aan ku qummanaynna uu ula dhaqmay.

Qoraalkaas waxa iiga soo baxay dhawr qodob.


1. Waxa hadalka lagu bilaabay afgobaadsi "muwaadiniinta xariirta ah ee wada shaqayntu ka dhaxayso” ayaa loo sheegay bilowgiiba in gabadhu ay Oromo ahayd!. Oromo! Oromo in ay tahay miyaanay ka horrayn in ay bini’aadam tahay? Miyaanay xaq u lahayn in karaamadeeda qofnimo iyo ta dumarnimo loo ilaaliyo? Miyaan qaar hore oo Soomaali ah oo weliba reer Hargaysa ah sidan oo kale loo garaacin? Ereygaas bal hadda idinku micneeya, mise qoloda caadifadda ku shaqaysa ayaa la rabay in loo muujiyo in qaranka la difaacayay?.


2. Waxa qoraalka lagu sheegay in Oromada la mustaafuriyo, gabadhuna ay ninkeeda oo la qabanayay ay difaacaysay. Waxa aan is waydiinayaa shaqada dadka ajaanibka ah ee dalka ku nool sharci ama sharci darro ma booliska ayaa leh mise waxa leh ciidanka laanta socdaalka? Labada dhacdo ee aan sheegay ayaa igu soo dhacay oo waxa muuqata in aan shaqooyinka la kala lahaynba!


3. In gabadhu ay dagaalka bilowday oo ay koox wadatay ayaa la sheegay, sidoo kale in askariga la weeraray oo isaga laga gardarnaa ayaa hadalka ku cad, waxa ay i xasuusinaysaa inantii berigii dhawayd askarigu sida anshaxa ka baxsan aniga oo taagan uu u dilay ee la yidhi iyadaa ciidanka weerartay oo saddex ayay dhaawacday. Waxa aan is waydiinayaa dadkan ciidanka uun weerarayaa maxay ahaayeen? Miyaan ciidanku aadame qaldama ahayn? Kol kasta ma sidan ayay siddi muldhukh u yihiin oo walaga gardaran yahay uun? Mise wax kalaa jiraa oo sixid u baahan?.


Ciidankeennu ma wada xuma, mana wanaagsana oo in badan oo aan shaqadooda aqoon ayaa ku jirta, in kale oo nadiif ahina way ku jirtaa, kolkaa haddii la yidhaahdo waar sixid ayaad u baahan tihiin oo qaabkan qaarkiin u dhaqmayaan waa foolxumo ma ciidanka ayaa la daba gurayaa?


Taliyuhu maalintii dhawayd waa kii hadlaye qoraalkaygan u sheega inaanu ahayn maagis iyo ciidan wax laga sheegay ee uu yahay uun waydiimo maskaxdayda ka guuxayay oo aan kor isu waydiiyay illeen dadka qaar ayaa kolka ay isla sheekaysanayaan codku ka yar dallacmaaye.


Xamse Cumar ku joog


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...