Waxay Umuuqataa In Taariikhdu Dib Isku Soo Celisay "History Repeats By Itself "
W/Q:Mohamed Abdi Jama
Sida taariikhda ku xusan Somalia waxyaabihii ay ku burburtay kaliya
may aheyn jabhadihii gudaha dalka kaga kacsanaa waxaa ka weynaa aragti
la'aan siyaasadeed iyo indho la'aan is maqiiq ku saleysnayd oo aduunka
ka horkeentay.
waxaana loo tiriyaa dagaalkii Somalia iyo Ethiopia dhex maray 1964
laga soo bilaabo ilaa 1991 in uu jamhuuriyadii Somalia dagaal ku socday,
laakiin somalidu dagaalka ay moodeysay uun Xoog laba dal ku kala
adkaanayaan oo la isku daynayo.
Dhacdooyinka iyo dagaalka diblomasiyadeed ee aduunku somali ku qaadey
waxaa saldhig u ahaa in ay Somalia duulaan ku tahay Ethiopia oo aduunka
dalal badani dano ka leeyihiin sidoo kalena ahayd dawlad boqolaal qarni
soo jirtay oo facweyn taasi oo sababtay siyaasadii ay Somalia ku
burburtay in saldhigeedu ahaa dawladaha jaarka .
Maanta marka aad eegto halka ay xukuumada dawlada federalka Somalia
marayso iyo halka uu caalamku taagan yahay, colaadaha siyaasadeed ee
dawladaha Gobolka iyo dawlada federalka Somalia.
Xulafo la'aanta Somalia haysata iyo dalalka ay dhabarka saartay iyo
aduunku halka ay kala marayaan marka lagu daro dareenka ka taagan gudaha
waxa ay u muuqataa in mar kale hog dheer lagu dhacayo hadii aan caqli
iman iyo wax baajiyaa.
Hadii dawladnimadu burburto waxa xoog yeelan doona argagixisada ,
aduunka iyo dawladaha reer galbeedkuna waxa ay hubeyn doonaan hogaamiye
kooxeedyo la dagaalama sidii hore u jirtay , dadka soomaaliyeed iyo
dalkoodu waxa uu noqon doonaa meel xataa hubka cusub iyo sunta la
sameeyoba lagu tijaabiyo.
Somalia na waligeed waxa ay ahaan doontaa madal iyo goob lagu
dagaalamo , lagu kala adkaado la isku tijaabiyo, hadii maanta ay
burburto dawladaasi sidii shirkii Garowe 2 la iskula soo qaadey Somalia
waxa maamuli doona aduunka iyo qaramada midoobay, waxaana la isku dayi
doonaa si kasta oo loo maamuli karo in loo maamulo.
Dadka in koobani waxa u muuqda is-riix riixa kursiga iyo intan muuqata
laakiin dagaalka Somalia lagula jiraa waa mid ka qoto dheer , xataa
dawladaha jaarku ma rabaan in ay dhisnaato , in ay laba dal oo is
aqoonsan kala noqoto iyo in ay degto oo xasiloonaato toona , ilaa iyagu
sida ay rabaan iyo cida ay rabaan ay keensadaan oo maamulka u hayaan
mooyaane.
Dadka soomaaliyeed waxa la gudboon in ay buurta dhinaca kale ka soo
istaagaan si ay u arkaan waxa jira si aanay mar dambe ugu burburin waxii
hore ugu soo dhacay , sidoo kale intan mudada lagu tabcayey ee la isku
keen-keenay aanay u kala qubanin oo waxa la diidan yahay wax ka darani
aanu ku soo bixin .
Mushkiladaha iyo dhibaatooyinka soomaalida haysta ilaa maanta ma
fahamsana waxaana ay ka dhex baadhayaan qof , Madaxwayne hebel hadii la
rido dalku wuu dhismayaa , hadana ka kale ee la doorto 4 sano ka dib
sidii oo kale looga horyimaado , waxa ay dhaleysaa in Somalia si dhab ah
cid kale ugu shaqeysato oo dadka is hayaana qoloba qolo uun dhabarka
soo saarto dadkaasi si ay taageero uga helaan .
Halka lagu dagaalamayo iyo cida la isku dhex dilayaana ay noqoto dalka
Somalia iyo dadkiisa aan 60 ka sanadood ee ay dawladnimada lahaayeen
aan helin dawladnimadii ay rabeen , 30ka sanadood ee ugu dambeeyey na uu
u dhamaaday rafaadka dawlad la'aanta , barakaca, burburka iyo dhiiga
dadka ee qubanayaa .
Anigu walow aan ka soo jeedo Somaliland oo somalia dhib ka tirsanaysay
iyo in dawladnimadii lagu dhibaateeyey hadana damiirkaygu ima siinayo
in aan ka aamuso hogga iyo halka xun ee somalia lala damacsan yahay iyo
in dadkeedu tiih iyo dawlad la'aan ku noolaadaan .
waxa dhacaya aad baan uga damqanayaa ugana xumahay, waxaana aan u soo
jeedinayaa hogaanka siyaasada Somalia ha geynina meel aad colaada ka soo
celin kari waydaan , ha geynina taladiina meel aadan kala soo noqon
karin ee maanta si kasta oo ay idiinku adag tahay isku yimaada oo xal
gaadha.
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
WhatsApp; +252634429221
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...