Nin Awal Ahi Iskama Sharixi Karo Xisbiyada UCID Iyo Waddani, Waa Go'aan Muuse

0
Monday April 26, 2021 - 11:14:33 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1537
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Nin Awal Ahi Iskama Sharixi Karo Xisbiyada UCID Iyo Waddani, Waa Go'aan Muuse

    W/Q: M. Baashe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: M. Baashe
Waar maanaa waalan mise Cadanbaa laga heesaysa, waar Somaliland ma Dawladbaa Mise waa KACAAN IYO DHUUMANAAYOO DHABARKU MUUQDO. waxay ku tusaysaa in Somaliland XUkunku, Distoorku, Ciidamadu, Baarlamaanadu iyo Maxkamaduhu yihiin CASHUUR URURIN laakiin ay Inaga iyo Caalamkaba u Muuqato in aynu Dunida kusoo kordhinay hab cusub oo kii War lord AHAA oo aan xabbadii dhacayn laakiin meel Dawladi u socoto aanay jirin, meel xisbiyo u socdaan aanay jirin Muuqan a, Meel Madaxweyne ummad u wadaa MEEL aanay JIRIN. IMIKA Xisbiga UCID waa Musharaxii Shannaad ee Muse Biixi UU u xidhay Maxaad adigoo reer Hebel ah Xisbiga reer kale isaga Sharaxaysaa, halkaa waa Qabiilkaygu Xisbi kale iska a sharaxi karo laakiin Xisbiga reerkayga ciddaan doonaa iska SHARIXI KARO. Faysal CALI Waraabe waxaa leeyahay intaad FARMAAJO oo ay aan shaqo isku lahayn ka hadlayso UCID u Hadal oo ha diidaan sharci darada lagula kacayo. Afkiina soo mariya Mudaharaad Somaliland oo dhan ah oo ka dhana ficilada UU Muse Biixi XISBIYADA kula DHEX jiro, cambaarayn arinku wuu dhaafay ee Mudaharaad dalkoo dhana Xisbiyadu ha ku baaqaan in Musharax lacagtii Musharaxnimada Dawladii ka shubatay oo Xisbigii ka shubtay oo HADANA jeelka ugu JIRA ' ADIGOO REER HEBEL AH ISkama SHARIXI Kartid XISBIYADA Mucaaridka ah'.



Wadani iyo UCID waxaa la idiin bilaabay DOORASHO 21TEST IYO COV19 TEST ISA SAARAN OO LAGU BEDELAY WIXII LA SHEEGI JIRAY EE ISA SAARRAA. HA BAQANINA CASHUUR JOOJIN IYO MUDAHARAAD KU DHAWAAQA, WAXA AD QARSATAA WAY KU QARSADAAN MUDAHARAAD WADANKOO DHAN AH KU DHAWAAQA.


Waxaasi Dawladnimo maaha ee waa MAAFIYA. Shucuubtu Dawladbaa Mudaharaad Bay iskaga celiyaan oo Dawladuu ku fashil maan markay shacabkooda iska horyimaaddaan. Keligii taliye caddaystay waa gaar laakiin Dimuqraadiyad iyo siyaasad been beena LAGUMA jiri karo.


Arintu Xisbiyaday fadhidaa ummad Maamulka qaawan yey u hoosaasin ee Arintaa xadhiga Musharixiinta la xidhayo, Military ga la xidhayo, dadka suuqa laga qafaalanayo waa in Mudaharaad Xukuumadaa Muse laga horyimaaddaan oo CASHUUR joojin lagu dhawaaqaa ay Xisbiyadu horkacayaan. Waa in ururo isdifaacayaa gobol kasta ka samaysmaan. WIXII CASHUUR QAADABA DAWLAD HA MOODINA, MAAFIYADU CASHUUR AY QAADDAA, ALSHABAAB CASHUUR BAY QAADDAA, BEESHA CAALAMKU CASHUUR DADBAN BAY QAADDAA OO UU KALUUNKA BADDA AY BILAASH UGA GURTAAN, IMMAARAADKU WAA DUULLAAN markaa Xukuumadaa Muse CASHUUR tii dawladnimo ma qaaddoo weydin arki dhowaan, ficikiisaa idiin Markhaatiya.


Xukun budhcadnimo ah lama qaadan karo, Caruurta Madaxweynaha shacabku ha u digo oo ha sheego in urur la dagaalama la samayn doono hadduu ummadda ka ceshan waayo CARUURTIIISA ADEEBTA DARSN. lacagtay ku birinbiqaynayaan waa laacgtii waddooyinka Hargeysa lagu dhisi lahaa. Lacagta Muuse Caruurta ku ciyaara leeyahay muu sida Madaxa caalamka Jammacadaa adduunka u diro oo muu Caalamka ku geeyo oo at least wax ku baro dee waxaanuu u fikiri karin sida reeraha Xaddaaradda, Saqaafadda iyo transformation ka SAMEEYA caruurtooda.



Haddaan ummaddu ficiladda xunxun kasoo horjeesan dadkoo dhan xummaanta joogtaa ee kibirka iyo maan gaabnimada u badani way saamaynaysaa. Bulshada reer Somaliland waa bulsho aad u yar oo kooban yey iskala mid dhigin Bulshooyinka muddo qaadi kara Xummaan MAAMUL, waxay nu ku filanay gebigeenuba dhacdo qudha I aynu sida Buulcaws dabayli heshay u dunno. Xukuumaddeena yari waa BUULCAWS haddaynu wax kale moodno waa khalad XAQIIQDADA A ina hor imanaysa.



MIDKA CUSUB EE IMIKA GOBOL KA JIRA GEESKA WAA ISMACIIL CUMAR GEELE OO WAQTIGIISII DHAMMAADAY, NINKII XOOLO JABUUTI KA YAALIINAW DHAQSO UGA SOO SAMATA BAX HADDII KALE WAXAA SOO DHAW 'DJABOUTI INTAASAAN KU KHASAARAY.

WAA DIGNIIN XOG OGAAL GEESKA AH.


M BASHE
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...