Axkaamta Ramadaanta ... Qaybtii 14aad

0
Monday April 26, 2021 - 10:58:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 665
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axkaamta Ramadaanta ... Qaybtii 14aad

    W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub
Dad-la-dhaqanka marka aad tahay qof sooman

Diinta Islaamku waxa ay ka soo dhex baxday bulsho aan xaddaarad iyo ilbaxnimo lahayn, sida oo kale hab-maamulkii jiray xilligaa aan la jaan-hayn, waxsoosaarkii dunida loogu kala gooshayeyna aan iyadu waxba ku darsan jirin, hase ahaate tokhoodu ahaa mid gidaar lala soo taagan yahay. Hab-maamuskooda waxa u bud-dhig u ahaa tolnimada, ninka laandheere ah uun baa magaalada siduu doono u dhex marayey wuxu doonana ka dhex samaynayey. Ninkii laga itaal roon yahayna wuxuu ahaa mid dibinta uun iska ruuga oo aan wax kale samayn karayn.



Markii Islaamku soo baxay ayaa dadkii diintii u sinnaadeen. Rasuulka CSW waxa wada rumeeyey haldoorkii Quraysh sida Abu Bakar iyo Cismaan. Sida oo kale waxa rumeeyey addoomo la lahaa sida Bilaal. Rasuulku CSW isku si uun ayuu ula dhaqmi jirin midna ma soo dhawaysan jirin midna ma fogayn jirin raggaa wada rumeeyey.


Dad la dhaqankaasi wuxu horseed u noqday intii la liidi jiray in ay gabbood ka soo dhigtaan diinta oo ay ka helayeen sinnaan. Taas ayaa saldhig u ahayd in ay hal daba la’ u soo galaan diinta qof kasta oo hoos loo eegi jirayna noqday mid diintiisa, aqoontiisa iyo qofnimadiisa lagu qiimeeyo ee aan reer iyo midab loo eegin.


Boqor ka mid ahaa boqorradii ka talin jiray jasiiradda Carbeed ayaa soo diray ergay si uu uga soo xog bixiyo Nabigan la sheegayo in uu soo baxay. Dabadeed ninkii la soo diray ayaa markuu ku noqday kii soo diray ka jawaab celiyey wixii uu soo arkay, wuxuuna yidhi, "Hoggaamiye kasta ciidankiisu way kohdaan se ninkaa ‘Nabiga’ asxaabtiisu aad bay u jecel yihiin, iska daa wax kale candhuuftiisu inay dhulka ku dhacdo uma oggola.”


Raggu Rasuulku CSW soosaaray, dhaqankaa mid la mid ah ayey la hayeen, Cumer ibnu Khaddaab xilligu talada Muslimiinta hayey waxa dhacday in boqor uu soo diray ergay xaggiisa ka socday si uu Cumar farriintiisa ugu gudbiyo. Ergaygii boqorka ayaa magaaladii Madiina soo gaadhay. Wuxuu islahaa xarun boqortooyo ayaad ka heli ninka ummadda Muslimiinta u taliya, wuxuu magaaladii ka waayey guri ka duwan kuwii magaalada ku yaallay.














AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...