Carbiska Barbaarta Aqoonyahanka Somaliland (Shaqo-Qaran), Hiigsigaiyo Himilada. Qormada 2aad.

0
Sunday April 25, 2021 - 10:13:55 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Carbiska Barbaarta Aqoonyahanka Somaliland (Shaqo-Qaran), Hiigsigaiyo Himilada. Qormada 2aad.

    W/Q: Sadam Osman kaabash

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Sadam Osman kaabash
Hiigsiga:

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, agaasimaha guud iyo agaasime ku xigeenka Barnaamijka SHAQO-QARAN, taliyaha Madaxtooyada, taliyaha Xerada Carbiska Shaqo-Qaran, taliyayaasha tobabarka bixinaaya, shaqaalaha Shaqo-Qaran iyo dhallinyarada qaadanaysa tobabarka Shaqo-Qaran waxay hiigsanayaan in Jamhuuriyadda Somaliland noqoto qaran buuxa oo ay dhallinyaradiisa ku beerantahay dal jacayl(waddaniyad), oo leh aqoon, karti iyo hufnaan ay ku xaqiijin karaan horumarinta iyo dhawridda qarankooda. Taasina waxay keenaysaa madaxda Qaranka iyo ciidanka qalabka-sidaa ay ka shaqeeyaan sidii loo soo saari lahaa dhallinyaro aqoonyahan ah oo wadaniyaduna ku xoogantahay hiigsidooduna yahay in wadankooda ay gaadhsiiyaan horumar waara.



Himilada:

Himilada Barnaamijka Shaqo-Qaran waa in uu dhallinyarada Somaliland u diyaariyo barnaamijo hufan oo lagu siinayo tobabaro xirfadeed iyo garaad-kobcin kor-u-qaadaya si ay nolol fiican u helaan, isla markaana kaalin mug leh uga qaataan xaqiijinta yoolalka horumarineed ee qaranka.


Barnaamijka Shaqo-Qaran wuxuu horseedayaa hab iyo hanaan ay sal u tahay qiyamka hoos ku xusan:


1. Daacadnimo iyo Dhexdhexaad: Barnaamijka Shaqo-Qaran waxa uu si daacad ah, isla markaana dhex u ah barbaarta aqoonyahanka ah ee gobolada Somaliland ugu fulinayaa xulashada imtixaanaadka, tobabarka iyo tobabarka shaqo.


2. Daahfurnaan: barnaamijka Shaqo-Qaran waxa uu diyaar u yahay in barnaamijkan ay soo saaraan warbixino sanad le ah oo soo bandhigaya waxqabadka barnaamijka.


3. Isla-Xisaabtan: Barnaamijka Shaqo-Qaran waxa uu diyaar u yahay in la la xisaabtamo, hawl-wadeenada barnaamijka wadana la la xisaabtamo. Si' loo gaadho guul waarta.


4. Adeeg Tayo leh: Barnaaamijka Shaqo Qaran waxa uu barbaarta aqoonyahanka ee carbiska ku jira waxa uu siiyaa adeegyo hufan oo ay hagayso aqoon, karti, khibrad laga helay dafcadihii hore, iyo hab-dhaqan suuban.



Sadam Osman kaabash
Hargeisa, Somaliland
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...