Axkaamta Ramadaanta, Qaybtii 12aad & 13aad

0
Sunday April 25, 2021 - 10:08:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axkaamta Ramadaanta, Qaybtii 12aad & 13aad

    W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub

Soon aan salaad lahayn ma la aqbali karaa?


Erayga Salaad luuqaad ahaan waa duco, dhanka shareecadu adeegsatana waa cibaado khaas ah oo Alle SWT addoomihiisa amray in ay sameeyaan. Salaaddu waa tiirka labaad ee tiirarka Islaamku ku taagan yahay. Waana tiirka kali ah ee Alle SWT soo waajibiyey isaga oo ergaygiisu uu dunida sare la jooga.



Sida ka sugan ergaygii Alle, maalinka qiyaamaha waxa ugu horreeya ee la iska xisaabinayaa waa salaadda, haddii qofka salaaddiisu u hagaagto waxa u hagaagaya camalkiisii kale oo dhan, se haddii ay ka xumaato salaaddu qofkaasi khasaare ayuu ku sugan yahay. Sidaa awgeed salaaddu waa tiir ka culus soonka.


Salaaddu qofka ooga waxa ay u keenta xasiloonni iyo degenaan, taas oo haddii uu markiisii hore ahaa mid qalafsanaan u dhashay ka dhigaysa mid ka miirta dabeecaddiisii adkayd.


Salaaddu waxa ay qofka ka hurguftaa xumaha iyo joogtayna caasinnimada. Alle SWT wuxu yidhi, "Salaaddu qofka waxa ay ka reebta dambiga iyo macsida.” Qofkii intaa iska waaya waxa khaldan qaabka uu u oogo salaadda ee haysku noqdo. Muhiimku waa in qofku ogaado in salaaddu ka hor joogsanayso qofka xumaha oo dhan, taasna qofku waxa uu helayaa marka uu arkaanteedii la yimaaddo, sida oo kale Alle SWT ka cabsiga badiyo.


Kolka laga hadlayo salaadda: arrinka ugu mugga weyn ee lagu kala garto qofka iyo diintiisa, ergeygii Alle waxa uu yidhi, "Annaga iyo gaalada waxa noo dhaxaysa salaadda, qofkii ka tagaana waa gaaloobay.” Xadiiskaasi wuxuu si cad u qeexayaa dhanka lagu tirinayo qofka taariku-salaadka ah.


Saxaabadii Rasuulku CSW barbaariyey dhaqankoodii wuxuu ahaa in ay qofka ku qiimeeyaan salaadda, qofka ka tagana aanay xayn-daabka Islaamnimo ku soo dari jirin.




Axkaamta Ramadaanta, Qaybtii 13aad

Soon aan salaad lahayn ma la aqbali karaa?

Saxaabadii Rasuulku CSW barbaariyey dhaqankoodii wuxuu ahaa in ay qofka ku qiimeeyaan salaadda, qofka ka tagana aanay xayn-daabka Islaamnimo ku soo dari jirin.


Fahanno kala duwan oo laga soosaaray hab’adeegsiga xadiiskan ayaa culimo badani ku kala tageen, culimada qaar waxa ay soo guuriyeen hadalkii Taabicigii Suhri ee ahaa, "Gaalnimada laga hadlayaa maaha tii waynayd ee waa gaalnimo ka sokeysa gaalnimada weyn.”


Hadalkaa waxa ku tagay culimo badan oo hore iyo dambe ba lahaa. Hase ahaatee culimada ganafka ku dhufatay hadalkaa ayaa iyaguna leh, "Xadiiska in laga fahmo qofka salaadda ka tagaa in uu gaal yahay waa fahamkii Saxaabada, Taabiciintii waaweynayd, Imaam Suhri na waa Taabiciintii yaraa (oo wuxuu ka mid ahaa taabiciintii dambe oo ma soo gaadhin Saxaabada waawaynayd badankooda) markaa fahamka lagu midaysan yahay aynnu ku tagno.”


Aayado badan ayaa ku soo degay qiimaha iyo abaalcelinta Alle SWT qofka ooga salaadda u leeyahay. Ugu horrayn Alle SWT wuxu yidhi,"Salaaddu waxay u tahay Muminiinta wakhti go’an." Maaha jaanta rogan in aad ka dhigto xilligii aad doonta ba aad tukato, se waa wakhti la jaan goyey oogisteedu.


Rasuulka CSW oo bushaaro nololeed ku iftiminaya oogsiteedu na wuxu yidhi, "Salaadaha shanta ah iyo jimce ilaa jimce lagu gaadho, waxa ay tirtiraan dambiyada yaryar haddii aan lagu darin dambi weyn.” Xaqiiqdii iska daa in aad ajar ka heshide adigii baa lagu leeyahay dambiyadii kale ee kaa dhacayey na way masaxaysaa.


Salaadda oogisteeda marka aynnu ka hadlayno waxa ay leedahay Shuruudo, Arkaan iyo Waajibyaal haddii mid ka mid ah aad ka tagto salaaddada inay xagga Alle SWT u gudubto laga baqo qabo. Rasuulka CSW wuxu yidhi, ”Qof lixdan sannadood tukanayey ayaa iman doona isaga oo aan hal salaad laga aqbalin.” Waa yaabe, lixdan sannadoodna wuu tukaneyey salaad kaliyana lagama aqbalin waa maxay tallow? Inta aynnu kor ku soo sheegnay un buu khaldayey.


Rasuulka CSW oo misaajidkiisii xagga dambe fadhiya ayaa nin soo tukaday salaamay, inta uu salaantii ka qaaday ayuu u raaciyey, "tuko maad tukane.” Ninkii inta uu degdeg u noqday ayuu haddana soo tukaday Rasuulkuna CSW intii uun buu ku celiyey. Mar saddexaadkii ayuu ku yidhi, "Rasuul Allow intaa in ka badan garan maayee maxaan sameeyaa?” Ninkaas intaa aynnu kor ku soo sheegnee Shuruud, Arkaan iyo Waajibyo ah uun buu khaldayey. Markaa ansixidda salaaddada waxa kow ka ah in aad barato wixi salaaddadu ku ansax noqonaysay.


Shuruudda Salaadda waxa ka mid ah:

⦁ Islaamnimo (gaalka salaadda waxa uga horraysa in uu Ilaahay SWT rumeeyo)

⦁ Dahaara-qab (haweenayduna ka dahaara qabto dhigga cadada, dhabar furanka iyo dhiigga dhalmada ka dambeeya)

⦁ Gaadhista wakhtiga salaadda

⦁ Miirqab

⦁ Qaan-gaadhnimo

⦁ Waysa-qabnimo

⦁ Jihaada oo aad u jedsato

Arkaanta Salaadda waxa ka mid ah:


⦁ Takbirta (in aad Salaadda Allaahu Akbar ku xidhato)

⦁ Akhrinta fataxada

⦁ Rukuucda iyo in aad ku xasisho

⦁ Ka soo toosidda rukuucda iyo in aad ku xasisho

⦁ Sujuudda iyo in aad ku xasisho


⦁ Marka aad ka soo toosdo sujuudda in aad ku xasisho


⦁ Fadhiga dambe

.
Sida oo kale salaadaha; Jimcaha, Ciidda, qorrax ama dayax madoobaadka, roob-doonta, jinaasada, iyo musaafirku waxa ay leeyhiin qaab gooni ah oo loo tukado, qaabkaa oo ka sugnaday Rasuulka CSW in uu u tukaday.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...