Qaranimada Iyo Madaxbanaanida Dalka Somaliyeed Waa Maqadas
Axmed Gurey Oo Magaalada Saylac Saldhig U Aheyd Ayaa Boqortayadii Bortuqiiska U Diiday Ineey Diintoda Ku Fidiyaan Geeska Afrika Ugana Sii Gudbaan Dalkii Loo Yaqaanay Xijaas Oo Maanta Loo Yaqaano Sucuudi Arabiya Si Ay U Biliqaysaan Qabriga Nebigeena Suban Calihi Salaatu Wa Salaam Isagoo Dhamaanba Ciidankaas Ku Jebiyey Sanadkii 1542kii Magaalada Casab Oo Maanta Ka Mid Ah Wadanka Eriteria. Halgankan Somaliyeed Ee Gumeysi Diidka Ihi Halkaa Kuma Dhamaanin Ee Waxaa Jiray In Sayid Maxamed Cabdule Xasan Oo Ay Garab U Ahayeen Ciidankii Darawisheed Iyo Qeeybo Bulshada Somaliyeed Ka Midi Ay Jebiyeen Ciidankii Ingriiska Iyo 5000 Askari Oo Hangash Ahaa Kuwaas Oo U Badnaa Ciidamo Ajaanab AhaaIyo Xogaa Somaliya Oo Iyagu Ku Howlanaa Shaqooyinka Hoose Sida, Awrta Oo La Raro, Cuntada Oo La Kariyo Iyo Dharka Oo Ka Dhaqo( IWM), Halgankini Wuxuu Keenay In Ingriisku Isagoo Naf La Caaraya Uu Diyaarado Ku Weeraro Fadhiisamoyin Badan Oo Markaa Dariiwshta Saldhigyo U Ahaa Oo Ay Ka Mid Ahayd Rugtii Taleex. Waxaa Ku Xigay Halgankii Xornimodoonka Ahaa Ee Syl Oo 13 Dhalinyari Ihi Abaabushay Halgankaas Oo Umada Somaliyeed Meel Ay Joogtaba Si Buuxda U Taageertay, Tusaale, Xaafiiskii Ugu Horeyey Waxeey Syl Ka Furteen Magaalada Jigjiga Ilaa Dhawaan Daartaasi Weey Jirtay Iyadoo Ay Ka Muqdaan Dhawicii Iyo Dakharadii Gumeysigu U Geestay Korkeeda Sida Rasaas Guriga Afaafkisa Hore Lugu Shandheeyey. Alxamdulilaah Dakharo, Dhawac, Dhimasho Iyo Dhiig Badan Oo Loo Soo Dadiyey Ka Dib, Sanadkii 1960, 26ka Juun Iyo 1da Luulyo Ayaan Ka Xorownay Labadii Isticmaar Ee Kala Ahaa Ingriiska Iyo Talyaaniga, Wadanka Wuxuu La Baxay Magaca Ah Jamhuuriyada Somaliyeed. [ ] Bishii November,20/1960 Beynu Xuban Buuxda Ka Noqonay Ururka Quruumaha Midoobay Qaar Badan Oo Ka Mida Siyaasinta Xaraan Ku Naaxa Iyo Kuwa Kaloo Maangaba Ayaaban Ogeyn In Somaliya Maanta Tahay Dawlad Xora Oo Madax Banaan Waxaan Nasiib Daro Ah Inaan Maalin Dhaweyd Ka Dhageystay Faalo Ka Socotay Club House Qof Dumar Ahi Oo Maanta Ka Tirsan Golaha Shacabka Ineey Fidinaysay Sheeko Ah In Somaliya Maanta Ururka Qaramada Midoobay Ay Ku Maamulaan Waxeey U Yeertay Article 6, Taas Oo Ay Uga Jeeday Dalka Somaliya Xor Uma Aha In U Arimihiisa Dawladnimo U Maamusho, Waxaan Iyana Dhawaan Arkayey Dani Iyo Modoobe Oo Diiday In Garawo Oo Ah Magaalo Dalka Somaliyeed Ku Dhex Taala Oo Nabada In Lagu Shiro Lakiin Soo Jeediyey In Lagu Kulmo Gogal Afisiyooni Taal Oo Maanta Ka Mida Xeerada Xalane Ujuudkooguna Wuxuu Ahaa Ineey Beesha Caalamka Tusaan Ineey Naftoodu Khatar Ku Jirto Oo Aan Ciidanka Umada Somaliyeed Ee Habeen Iyo Maalin Dhufeyska Ugu Jira Ineey Labadaa Nin Iyo Shacabka Umada Somaliyeedba Si Nabad U Seexdan Ay Ka Baqayeen In Naftooda Beegsadaan. [ ] Shirkii Waxeey Daba Marteyaanba Markii Ay Akhirkii Soo Fadhisteen Waxeey La Yimadeen Qodobada Ah, Golaha Shacabka Hala Kala Diro, Ciidanka Qalabka Sida Ha Lakala Diro, Madaxweyne Farmaajo Hays Casilo Qodobadaas Oo Dani Buug U Watay Ka Akhiriyey Qodobadaas Oo Laga Soo Yeedhiyey Dalalka Imaaradka Iyo Kenya. 1991kii Dawladii Aynu Heysaney Waa Ognahay Oo Wixii Burburiyey Waxeey Ahayeen Dawlado Iyo Shirkado Shisheeye, Waxaana U Diliila Waxaan Dhalada Ka Fiirsaday SafiirkiiHoree Ee Dalka Mareykanka U Fadhi Jirey Dalka Somaliya Mr: Robert B, Oakley Una Ahaana Special Envoy Sanadadii 1992-1994 Oo Yadhi Anagaa Takuleyneyney Jabhadii ( Usc ). Maantana Waxa Raba Ineey Dawladnimadeena Burburiyaan Waa Dawlado, Ururo, Shirkado Shisheeye Iyo Xogaa Maangaba Oo Ka Fakiriya Sideey Kursi Iyo Lacag U Heli Lahayeen Kuwaas Oo Iloobay Dhibta, Dakharka, Doogta, Nabarada Iyo Dhiiga Loo Soo Daadshay Xornimada Iyo Qarinamada Umada Iyo Dalka Somaliyeed, Xitaa Waxeey Garan Layihiin Dhibtii Iyo Burburkii 30 Sano Oo U Dambeeyey La Soo Maray Kaas Oo Maanta Laga Soo Kabanayey. Dalkini Dib Uma Noqon Karo Dawladaha, Ururada Iyo Shirkadaha Shisheeyana Waxaan U Sheegeynaa Maanta Shalay Ma'ahan, Xaqna Uma Lihidin In Sharci Golahayaga Sharci Dajintu Soo Saaray Aad Tirahdaan Dib Halooga Noqdo Idinkoo Og In Aad Dalkan Marti Ku Tihiin Iyo Idinkoo Og Inaanu Jirin Sharci Caalimaya Oo Idiin Ogal In Dal Madaxbanaan Aad Arimihiisa Gudaha Iyo Kuwiisa Debadaba Aad Faraha Ula Soo Gashaan. Anagana Hadaan Nahay Umada Somaliyeed Waxaa Nala Gudboon Inaan Tashano Madama Badenii Weli Lagu Fadhiyo Waxaan Ilaalinynaa Burcad Badeed Aanu Ognahay Inuu Dhamaaday Sanadkii 2012 Iyo In Ciidan Shisheeya Oo Ka Badan 22,000 Dalkayga Gudaha Ugu Jiraan Iyagoo Ku Marmarsiyonaya Ineey La Dagalamayaan Ururka Alshabaab, Kooxdan Oo Maanta Aan Ognahay Ineey Tahay Koox Aad U Itaal Daran, Meel Loogu Hagaagana Aan Laheyn, Awoodna U Laheyn Ineey Maanta Ciidanka Xooga Dalka Si Fool Ku Foola Ineey U Soo Wajihaan.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!