Ila Qosol ... W/Q: Cabdullaahi Maxamed Cumar

0
Saturday April 24, 2021 - 10:15:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1443
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ila Qosol ... W/Q: Cabdullaahi Maxamed Cumar

    Nabad akhristayaal,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabad akhristayaal,

Bariido kaddib, waa sheeko kale oo ka mid ah; sheekooyinkii aynnu beryahanba soo wadney ee Ila qosol.



Haweeney ayuu Ilaahay (SWT) ugu deeqay gabdho fara badan. Sida dabeecadda Aadmaha ahna waxay aad u jeclaysatay, in ay wiil(al) dhasho - maadaama ay gabdho badan haysato.


Dabadeedna waxay go'aansatay, inay sheekh ka mid ah culimada degaankeeda ka codsato; in uu u duceeyo oo u Eebbe wiil(al) u weydiiyo.


Haddaba, maalin maalmaha ka mid ah; ayay u yeedhay wadaadkii oo ay cunto u samaysay - si uu Ilaahay ugu baryo oo ay wiilal u dhasho!


Markii uu sheekhii raashinkii ka faraxashay ee uu duceeyey, ayay haweenaydii soo qaaday daasad yar oo islaamuhu lacagta ku urursan jireen oo sigaaro la odhan jirey.Markaasay intii ku jirteyba, wadaadkii gacanta ugu shubtay - iyada oo rabtey; in ay sheekha aad uga farxiso.


Daasaddii waxa ka soo dhacay afar gambo - afarta gambo waxa la odhan jirey, bowlad oo illaa 1970 naadkii, Somaliland magacaasi ayaa loo isticmaali jirey afarta gambo. Shanta gambana waxa la odhan jirey, Sumuni oo wuxu ahaa Shilinka badhkii.


Marka ay arrintu halkaasi marayso, ayuu wadaadkii oo yaabban oo saluugey waxan la siiyey; haweeneydii dib u jaleecay oo ku yidhi," Wallee bowlad ayaanad wiil ku dhalin!?


W/Q: Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: [email protected]
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...