Bisha Soon Qaad Durtadiiba Waa jimcihii Labaad.
Hal-Abuur Qoraa xamse Riiraash.
Dhawaan uunbay ahayd markay billatay bishii ugu fadilnayd
billaha,bishan oo ka gooniya ayaamaha iyo cishooyinka tan oo lagu
magaacabo soon qaad.
bishan oo ah bill la xidhxidho shadaadiinta isla markaasina lagu
ogaado seetooyin rabbaaniya taas oo ay u saamaxayn firxad iyo baxsad
toona.
bishan oo ah bill sadaqo cibbaado iyo akhrinta qur'aanka tugashada
taraawiixda iyo marka ay gaadho oogista tahajudka ama salaatul laylka
,taas oo laga dhex raadraadsho habbeen ka khayr roon kun billood.
bishan ayaa dadka muslimiinta badankoodu ka faa'iaystaan kuwaas oo buux dhaafiya masaajidada iyo goobaha cibbaadada.
in badan waxa ay ruclo ugu jiraan quudinta masaakiinta iyo
danyarta,in badan oo dadka ka midii waxa ay ku dadaalaan affurinta dadka
sooman,taas oo ay ka dheragsanyihiin axaadiista kusoo aroortay ee
sheegaysa ajarka iyo sawaabka laga dhexli karro sama falka bulshada.
bishan ayaa labbi iyo tobbankii billood mar ay kaga jirtaa taas oo
qofkii ka faa'idaystaa ay u tahay fursad qiimo badan oo waxaan loo
dhigaaba jirrin.
sabankii asxaabtiyo kuwii noolaa waagaasi waxa ay eebbe ka tuugayeen
sidii uu u gaadhsin lahaa ramadaanta iyagoo aad uga faa'idaysan jiray
bishan barakaysan.
hadddaba alla ha inaga dhigo kuwii mar walba ka faa'idaysta
muslimiinta badankooda waa u ducaynaynaa kuna leenahay allow wixii
dhibaataysan dhibta ka saar,wadankeenan allow u siyaadi nabada
Hamse rRiiraash
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...