Taarkii Farxaan Xiddig: Tilifoonkii Banjariyay Taladii, Toosintii iyo Tilmaantii Aan U Taagnaa!

0
Thursday April 22, 2021 - 09:33:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taarkii Farxaan Xiddig: Tilifoonkii Banjariyay Taladii, Toosintii iyo Tilmaantii Aan U Taagnaa!

    W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr
...... Haddii Aad iimaan Leedahay Akhri..Haddii Aad Eedeyntayda Indhabeel Ku Tahayna Amuurtaada Wado.. Qoraal Ku Celis Ah..
Si deggen u dheeho, dhugo oo dhuux..
Waxa aan arkayay dad badan oo maalmahan igu dhaliilaya inaan dhinac ka noqday xaajo maalmahan taagnayd oo u dhexaysay laba qof. Dhan ayaa la ii tiriyay, wixii ka jira tuhunka ayaan iftiiminayaa. Waxa aan karaankay iyo tamartay u taagnaa in aanay xaajadaasi sii foolxumaannin. Aadame ma raalligelin karo, Eebbe ayaa marag iiga ahaa, kaddibna cid kasta oo goobjoog ahayd.

Waxa aan faahfaahinayaa waxyaabihii sixitaankii aan isku deyay, siday ugu wareegtay madax-dhaqameedka iyo waxa banjariyay taladii aan tebiyay. Waxa aan si guud u sheegayaa wixii aan ogaa. In hawshu sidaas u dhabaqdo ayaan ka dhiidhiyay.
24kii Feberweri 2021ka ayuu ila soo xidhiidhay Cabdi Ciise Cajuun, isaga oo raba in aanu kulanno. Waxa uu ii sheegay inay hawli jirto. Laakiin iima sii qeexin.. Maalin Khamiis ah, habeen Jimce soo gelayo ayay ahayd. Waa aan haleeli waayay, waayo waxa aanu ku jirnay kiis u dhexeeyay dad shacab ah iyo Booliska, waan aan ka meeraystay kulankiisa. Aheey ah, haddii aan ogahay waxa uu odaynnimada ii soo biday isma adkeeyeen!
Ayaantii xigtay ayay boolisku ku xidheen saldhigga Koodbuur iyo xarunta ciidanka dembibaadhista. Ma ogayn tacaddigaas gaadhay, tirtirkii moobilkiisa lagu sameeyay iyo baadhitaanka sharcidarrada ah ee emailkiisa lagu fadhataystay. Muddo ku dhaw bil kaddib ama Sabti sooyaalku ahaa 25kii Maarij 2021ka ayay isoo gaadhay cabasho ka dhan Cabdi Ciise Cajuun.
Waa aan wacay aniga oo maagaya, waana uu ii warceliyay. Mar hadii wax laga tawday waa in aan dhegeysto isagana. Waa xilli ay Safiya Tusmo sheegtay in aanu faafin sawirradii Snapchat la dhigay. Runtii waan ka xumaa dhibaatada ay sheegatay Safiya Tusmo, waana hooyo iyo haweenay Soomaaliyeed oo af, isir, ab iyo ummadnimaba innaga dhexeyso. Dad aan iyada ahayn ayaase xaalka huriyay oo wiilka saaray dhaliilo waaweyn. Dhaleecaynta ay dadku u jeediyeen Cabdi Ciise Cajuun waxay ahayd mid baaxaddeeda leh.
Laba cisho kaddib ayaan haddana wacay maalin Isniin ah, waxa aan amintan ku guulguulay kuwii ugu cuslaa gefafka loo tirinayay. Luqad adag ayaan kula hadlay. Waa uu daadifeeyay, waxaanu yidhi "Saxaafadda ayaan la hadlayaa, waanan iska barraxayaa”. 31kii Maarij 2021ka oo Arbaca ahayd ayuu qorshihiisu ahaa inuu yimaaddo Hargeysa. Waxase habeennimadii ka horraysay la faafiyay tibaaxo sheegaya in la xidhay.
Suxufiyiin baahiyay warka xabsiga ayaan wacay, waxaanan dareemay inay xogta ka xigteen cid aan xogogaal ahayn. Sidaas awgeed waxa aan raadiyay cid xaqiiqada og. War kaas ordaya ka duwan kii hore ayaan helay. Iyada oo la sheegayay inuu Diridhaba joogo, waxan ogaaday inuu Darroor ku sugnaa maalintaas, kana soo baxayo.
Bartayda Facebook ayaan ku qoray:
01:15 habeennimo ama daqiiqado ka hor ayaan wacay qoyska Cabdi Ciise Cajuun oo Itoobiya jooga. Waxa ay ii xaqiijiyeen in aanu xidhnayn. Waa uu hadlayaa, eedaha loo tiriyayna wuu ka warcelinayaa insha Allah.
Aan wax hubsanno.(aan xadhigga u jeedo).
Dhinacii kubbaddu u socotay ayaa is beddeshay. Isla markii ayaa dhaliil iyo dhaleecayn guudka la ii saaray…… Hawsha taagnayd awgeed ayaan qalfoofka diinka u yeeshay, ma aniga ayaa taageeri kara in karaamada haweenka la dulmo? Waxan hore u maqli jiray "Aano inaadeer baa u dhinta”, haddii aad ii maagayseen wax loo tiriyay nin aan tol nahay iyo haddii aad lahaydeen "ha qabto inaadeerkii” labadaba sax baad ahaydeen. In uu dibnihiisa wax ka sheego ayaa loo dheg taagayay, aniguna af jooga uma adeegi karaynnin.
Kolkaas Cabdi Ciise Cajuun, waxa uu ahaa eedaysane. Haddii ay ku caddaadaan qalloocyada lagu sheegayaa waxa ay ahaayeen kuwo qof, qoys iyo qabiil loo tirin lahaa. Haddii rayigaygu meelmari lahaa; ugu yaraan falka (sixir), baadda (lacag madaxfurasho ah), faafinta sawirrada baxay iyo xadhigga loo geystay ayuu faahfaahin lahaa ama dhan isaga leexin lahaa Wuxu dhibbane u ahaa dad adeegsada warbahinta bulshada, wanjal aanu geysan oo qaarkii laga barraxay ayaa loo xambaariyay.
Inta aan waaberigii seexday ayaan toosay markaan saddex saacadood hurday. 09:00 aroornimo ayaan bilaabay raacdadiisa, waxa aan ku baadigoobay taleefan, messenger iyo WhatsApp. Cid ii tilmaanta halka uu joogo ma helin. Waxa khadka ugu dambeeyay saqbadhkii habeennimo oo uu guuresocod ahaa.
Goor maalinbadh ah ayaan ogaaday inuu soo galay Hargeysa, isla markaasna uu seexday. Abbaaro 03:00 galabnimo ayaan keligay u tegay. Waxa uu diyaar u ahaa in waraysi uu bixiyo. Kollayba wuxu ahaa qof ku filan ka jawaabista waxa la weyddiiyo… Ka hortagga ayaa daawaynta ka fiican’e waxa aan rabay in aanu abbaaraha (mawduucyada) qaarkood ka hadlin ama uu maalintaas ka boodo. Si kasta oo ahayd wuxuu igu xurmeeyay in aanu iga qarin goobta uu joogo, aniguna kama baaqan.
Haddii aan in uun door ku lahaan lahaa qaabaynta ereygiisa, talo ka dhiibtay ama aan sixitaan karayay; waxa aan rabay in Cabdi Ciise Cajuun ka warceliyo eedaha la saaray ee ay ka mid yihiin:
1. Lacagta baadda ah $21,000
2. Falka iyo sixirka lagu sheegay
3. Faafinta sawirka qaawan
4. Xadhigga loo geystay
Mar dambe ayaay 04:30 ayay dad kale noo yimaaddeen, Sawir aan galabnimdaas la galnay aniga iyo Suxufi Sagal Mustafe Xasan Nuur ayaa bulshada gaadhay, taasina wicitaankii, warsugiddii iyo wacaaldoonkii bulshada ayay kordhisay. Sawir aan galay ayay qaar kale igu xukumeen. Goorma ayay dembi noqotay in sawir la galaa?
Saacadihii aanu waraysigu bixin, waxa aannu dood adag ka galnay in uu ka jawaabo suaasha ah is-aqoonka iyo nooca xidhiidhka ee ka dhexeeyay. Dadka doonayay in suaashaas aanu ka jawaabin ayaan ahaa. Isma lihi wax ku seegay ama aad xumaysay baa jiray. Markaas hore, immaka iyo ar dambeba fidno ma hurin karo.
Aniga iyo qof kale ayaa darandoorri u nidhi "Difaacu wuxuu leeyahay wejiyo badan. Haddaad weerar qaadaysana hubka lama wada rido, fadlan rasaasta/tiraabta badh dib u dhigo. Haddii ay ka maarmi weydo waad ka jawaabi mar kale. Cidda innaga cabatay waa haween, looma baahna in si adag loogu jawaabo. Dhaqan ayaa la inoo tirinayaa. Ha ku degdegin odhaah lid ku noqon karta sharaf ama nolol. Midhkaas waannu kaa qabsannay”.
Inta aanu halkaas dhignay wax walba ayaannu tolnimadii dacwaduhu noogu imanayeen ku nidhi "Waar ceeb beel in haweenay wax laga sheegaa. Waar sidii dhaqanku ahaa imaka ma yeelnaa? Idinka ayaa isku dheeraa, dad baa idin dhex yaacaya”. Waxba lama aannu hadhin. Kolka cabbaar loo nastaba waa lagu celinayay habka toosinta loo arkay. Waxa aannu is odhan lahayn waxa qas ku ahaa dad xogdoon ah oo lagu yidhi "Hebel waxa lagu qanciyay inuu sheego wax aan jirin. Maxaa ka jira?” Xaalad xaalad kale ah bay ahayd.
Daqiiqado ka hor intii aan waraysiga la qabannin ayaa jewigi doorsamay. Fannaanka Farxaan Xiddig ayaa soo wacay Sagal Mustafe Xasan Nuur, oo diyaar u ahayd inay waraysi gaar ah la yeelato Cabdi Ciise Cajuun. "Waannu haynnaa maragyadii, sheekhii iyo madashii guurka. Muxuu sheegi karaa wiilku?” ayuu yidhi. Hadalkaas ayaa jebiyay waanadii aanu wadnay. Weyddiiya Hobolka xilliga uu taarkaas soo diray………. Weedhaas ayaa ahayd ta ugu dambaysa ee banjarisa ka hortaggii iyo waanadii aannu wadnay. Aniga iyo Farxaan Xiddig kee ayaa holciyay khilaafka?
Markii lagu hirdamay waxa laga yeelayo suaashaas; waxa ay ka fursan weyday in la weyddiiyo;, waana uu ka warceliyay. Waa nalaga cod batay. Waxa aan markaas idhi "Arrintu waxa ay u gudbi xarumaha garsoorka ama kuwo dhaqan ha ahaadaan ama kuwo dawladeed. Waxa ay dul taallaa hoggaanka beelaha. Iyaga ayaa xal keeni doona”. Salaad subax ayaan guriga imi, waan gataatidhacay.
Fiidnimadii dambe ayaan toosay waxanan soo kacay iyada oo la faafiyay codad kale. Talo ayaa faro ka haadday. Inkasta oo la iga dhigay nin gabboodfal geystay ama aan xilkas ahayn, waxa aan sii waday gudashada xilkii i saarnaa. Waxa la yidhi "Caano daatay, dabadood la qabay”
in aannnu ka-dabatag samaynno ayaa guntiga loo xidhay. Keligay ma ahaynne waxa jiray garbo aan ku duulayay oo taxnaa samadoonka ku sugan daafaha dunida ee ka soo jeeda Boorama, Hargeysa, Burco iyo degaanno badan oo kale….. Madaxdhaqameed laba dhinac ah ayaa la wareegay hawsha...
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...