MUQDISHO;- MUCAARIDKU FARMAAJO MIYEY DHISAYAAN MISE WAY WIIQAYAAN Qore: Ismaaciil Axmed Ismaaciil.
MUQDISHO;- MUCAARIDKU FARMAAJO MIYEY DHISAYAAN MISE WAY WIIQAYAAN Qore: Ismaaciil Axmed Ismaaciil.
- Afar sano oo uu Farmaajo joogay waxa uu dhisayay ama bulaalinayay aragti waddaniyadeed oo ku sheegay 'soo celinta qabkii iyo sharafkii Soomaaliyeed'. Maxaa ka saxs iyo maxaan sax ahayn? waa dood kale oo lagu kala aragti duwan-yahay. Mucaaradka ugu tunka wayn ee fadhigoodu yahay Muqdisho waxay muddo afar sano ah dhisayeen aragti kudhisan qabiil iyo isla markaana boorrinaysa gacan-kahadal. Waxay gaadheen heer ay ku dhiirradaan in ay guddoon-shaan shirarka qabaa'ilka oo hadalka loo qaybiyo rag Villa Somalia soo maamulay iyo odayaal dhaqan oo ku gawracan danaha beelahooda.
- Farmaajo waxa uu dhisay ciidamo haybad leh oo aan xuquuqdoodu gor-gortan ku jirin, kana kooban dhallinyaro Soomaaliyeed. Mucaaradku waxay si joogta ah weerar afeed iyo magac-dil ugu wadaan ciidamada. Heer waxayba soo gaadheen ay si furan ugu baaqaan in ciidamadu kala tagaan oo ay qabaa'ilkooda lakala saftaan!
- Farmaajo waxa uu iibinayaa aragti odhanaysa: Arrimaha Soomaaliya soomaali baa leh oo ma rabno fara-galin shesheeye. Mucaaradku ma qarsanayaan doonistooda ah in beesha caalamku soo fara-galiso ama door muuqda ku yeelato arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
- Farmaajo waxa uu muuqdaa siyaasi madaxbannaan oo aan ku tiirsanayn koox diimeed, xisbi siyaasadeed, qabiil gooniya; iwm. Tani waxay ka dhigtay nin dadku u siman-yihiin oo ay wada shaqayn karaan qofkii ay isku aragti ka noqdaan siyaasadda dalka isla markaana aan u xidhnayn koox ama dad gaara.
Mucaaradku (min Garoowe, Muqdisho ilaa Kismaanyo) waa rag 95% siyaasadda kasoo galay dhinaca xarakaadkii islaamiga ahaa isla markaana lagu bartay in maamulkoodu noqdo mid kooxaysan.
- Farmaajo iyo kooxdiisu waxa aad mooddaa in marka ay arrini miiska saaran-tahay inay dhinaca kale laba ama saddex arrimood oo kale usii bisil-yihiin oo haddii uu shaqayn waayo qorshaha koowaad waxa ay isla markiiba jeebka kala soo baxaan qorahe kale oo aan cidna kasii war qabin laakiin lasii turxaan-bixiyay. Mucaaradku waxay noqdeen fal-celiyayaal aan lahayn hal-abuur siyaasadeed.
Arrimahan iyo kuwa kalaba, waxay inna tusayaan inta uu Farmaajo is dhisay in kadan inay mucaaradku dhiseen, walina sii dhisayaan. Sababta oo ah nin ciidankii dawladda kala diraya, reer hebalnimo ku faanaya (si furan), shisheeye u fara-godaya iyo docda kale nin leh; ciidankaan dhisayaa, qaranbaan rabaa ee qabiil ma rabo, shisheeye ma rabo oo anagaa tashan, dee isku taageero noqon maayaan 2021.
Qore: Ismaaciil Axmed Ismaaciil.
Maxay kula tahay adiga?
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...